Qarax lagu weeraray ciidanka AMISOM oo khasaaro u geystay dad shacab ah
December 14, 2012 - Written byMuqdisho:-Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari nooca lo yaqaan Toyota Carib oo laga soo buuxshay walxaha qarxa la dhigay waddada Makka al-Mukarrama gaar ahaan meel aan sidaa uga fogeyn gurigii hore ee Shaqaalaha .
Qaraxan ayaa waxaa lala damacsanaa kolonyo gawaari ah oo ka tirsan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS oo marayey waddada Makka al-Mukarrama iyaga qarax uu dhacay markii ay gudbeen waxaana qaraxa la xaqiijiyey in uu ku dhintay hal qof waxaana dhaawaca uu marayaa ilaa haatan 6 kale oo dhamaantood ah dad rayid ah waxaa jira sidoo kale uu khasaaro soo gaari baabuurta la raaco ee BL-ka ah oo ku sugnaa waddada Makka al-Mukarrama .
Qaraxa ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM waxaana saxaafada la hadlay Afhayeenka ciidanka Booliska DFS Jen.C/laahi Xasan Bariise waxaana uu sheegay in aysan jirin khasaaro soo gaaray ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS .
Jen C/laahi Xasan Bariise ayaa sheegay in qaraxa ragii dhigay ay baxsadeen balse ay hayaan lambarkii gaariga wax lagu qarxiyey wuxuuna ku eedeeyey qaraxa in ay ka danbeeyaan Ururka Al-Shabaab.
A/Cawale
Halgan.net