Sheekh Xasaan Xuseen Aadan oo xabsiga laga sii daayey
December 28, 2012 - Written byNairobi:-Waxaa goordhow xabsiga laga siidaayey Sheekh Xasaan Xusen Aadan sidda ay noo sheegeen ilo wareed ku sugan magaalada Nairobo Xassan Xuseen ayaa ciidamada nabadsugida ay maalmo ka hor ku xireen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Sheekh Xasaan Xusen ayaa haatan ku sugan xaafada Islii oo uu ka degan yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Saraakiisha nabadsugida ee dalka Kenya ayaan ilaa haatan cadeyn sababta ay u xireen Sh. Xasaan Xusen Aaden oo dhowr jeer oo hore intii ay xireen la soo daayey , warar badan oo kale duwan oo ku saabsan sababaha loo xiray wadaadka ayaa ku soo dhacay warqabadka Halgan.net balse dib ayaan ka soo sheegi doonaa haddii alle idmo waqtiga ugu munaasabsan.
Nairobi,Kenya
Halgan.net