Wafdi ka socda DFS oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose
December 27, 2012 - Written byKismaayo:-Waxaa goor dhowayd gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose wafdigii ka socday DFS kuwaas oo ka kooban wasiiro iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka XDS.
Wafdiga ayaa waxaa uu ka kooban yahay wasiirka cadaaladda iyo garsoorka DFS Cabdullaahi Ebyan,wasiirka G/dhiga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo wasiirka warfaafinta Cabdullaahi Cilmooge Xirsi.
Wafdigan ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaan maamulka ku meel gaarka ee haatan ka dhisan magaalada Kismaayo iyo saraakiisha ciidanka Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo waxaana ay ka wada hadli doonaan amniga iyo sidii loo mideyn lahaa Ururka Raaskambooni iyo ciidamada DFS .
Warar hoose oo ay Halgan.net si hoose u heshay ayaa sheegaya in wafdiga DFS ee saaka soo gaaray magaalada Kismaayo ay hordhac u yihiin socdaal uu Madaxweynaha DFS ku tagi doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.
Cabdi Yare
Kismaayo