Wariyihii BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan oo maanta lasii daayay
December 1, 2012 - Written byMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta lasii daayay wariyihii BBC-da ee magaalada Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan ka dib dadaal badan ay bixiyeen odayaal iyo waxgarad ku sugan magaalada Muqdisho .
Maxkamadda ciidamada DFS ayaa waxay xabsiga dhigeen toddobaad ka hor wariye Ibraahim Maxamed Aadan iyaga oo ku eedeeyey inuu ka baahiyay BBC-da warar been abuur ah oo ku saabsan xukunno ay ridday maxkamadda ciidanka Melatariga ee Dowlada federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada DFS, Liibaan Yaroow ayaa sheegay in dacwadda loo heystay wariye Ibraahim Maxamed Aadan uu isagu qirtay ayna BBC raali galin ka bixisay .
Wariye Ibraahim Maxamed Aadan ayaa markii laga sii daayey xabsiga dhexe ee DFS ayaan warbaahin la hadlin isaga oo ay ka muuqatay daal.
A/Cawale
Halgan.net