Wasiirka Arimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee DFS oo gaaray gobalka Sh hoose
December 25, 2012 - Written byAfgooye:-Wasiirka Arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee DFS Cabdikariim Xusen Guuleed iyo saraakiil sare oo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa maanta waxay gaareen deegaano ka tirsan gobalka Shabeelaha hoose gaar ahaan Deegaanka Saqiira waxaana socdaalka ku weheliyey taliyaha ciidanka xooga dalka Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini
Wasiirka Arimaha gudaha DFS Cabdikariim Xusen Guuleed ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Deegaanka Saqiira saraakiil ka tirsan DFS ee ku sugan halkaas waxaana goobta ku sugnaa sidoo kale agaasimaha hay’adda nabad sugida DFS Axmed Macalin Fiqi .
Wasiirka Arimaha gudaha iyo saraakiisha ku weheliya kormeerkiisa ayaa waxaa ay kulan ay albaabada u xiran yihiin la yeesheen madaxda iyo Saraakiisha gobalka Sh/Hoose waxaana ay ka wada hadleen sugida amaanka iyo howlgalada ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ka wadaan gobalka Shabeelaha Hoose.
A/Cawale
Halgan.net