Wasiirka Horumarinta ee dalka Norway oo soo gaaray magaalada Muqdisho
December 20, 2012 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa uu ku qaabilay xafiiskiisa wasiirka Horumarinta ee dalka Norway Heikki Holmas waxaana kulanka ay labada dal uga wada hadleen arimo kala duwan.
Kulanka dhexmaray Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka Horumarinta ee dalka Norway Heikki Holmas ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Safiirka Norway ee Soomaaliya iyo saraakil sarsare oo ka tirsan Madaxtooyada Villa Soomaaliya
Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ka dib la hadlay saxaafada waxaana uu sheegay in dowladaha caalamka ay Soomaaliya ku bixiyeen lacago xaddhaaf ah balse sidii la rabay aan looga faa,idysan waxaana uu balan qaaday in dowladiisa ay wax ka qaban doonto 6tiir ee uu sheegay madaxweynaha oo ay u horeyso amaanka.
Shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka nastay dagaaladii iyo duqeymihii safka balaaran ahaa balse waxay wili la daalaadhacayaan dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka dhaca xaafadaha magaalada Muqdisho.
M_M Deeq
Halgan.net