Wasiiro ka tirsan DFS oo golaha Baarlamaanka hortagay maanta
December 11, 2012 - Written byMuqdisho:-Golaha Baarlamaanka ee DFS ayaa maanta waxaa ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho iyaga oo su,aalo weydiiyey wasiiro ka tirsan DFS waxaana ka mid ahaa wasiirka G/dhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud (Fiqi) iyo R/wasaare ku xigeenadda ahna wasiiradda arimaha dibadda Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan .
Gudoomiyaha Baarlamaanka ee DFS Prof, Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa furay golaha waxaana uu u gudbiyey laba wasiir ee looga yeeray Baarlamaanka in ay jawaab ka bixiyaan xariga wariye ka tirsan BBC-da iyo safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Talyaaniga oo shirkad laga kireeyey.
Wasiirka G/dhiga ee DFS ayaa ku horeeyey in u ka jawaabo xarig ay maxkamada ciidanka melatariga ay ku xukuntay wariye u shaqeeyey BBC-da oo magaciisa la yiraahdo Ibraahim Maxamed Aaden mudo ka badan Isbuuc u xirnaa DFS wasiirka ayaa sheegay in wariye Ibraahim Maxamed Aaden uu war been ah ka faafiyey ciidanka DFS ka dibna laga dalbay in uu soo xaqiijiyo warka uu siiyey BBC-da balse uu keeni waayey ka dibna la xiray.
R/wasaare ku xigeenadda ahna wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa iyadana ka jawaabtay sababta Safaarada Soomaaliya ee Talyaaniga looga kireeyey shirka gaar ah waxayna sheegtay in howsha ay ka horeysay balse ay aqbali doonin in hantida qaranka cid ay kú takri fasho waxayna si guud u sheegtay in madaxda DFS ay arinkaas kala hadashay gudina loo saaray .
A/Cawale
Halgan.net