Xaflada loo qabtay ciidanka daraawiishta Puntlland oo ka dhacday Boosaaso
December 18, 2012 - Written byBoosaaso:-Waxaa xalay lagu qabtay xarunta Madaxtoyada Puntland ee magaalada Bossaso Xaflada balaaran oo loo qabtay ciidanka Daraawiishta ee dowllada Puntlland xafladaas oo ay ka soo qayb galeen Saraakiil ,Saraakiil xigeeno iyo masuuliyiin ka tirsan wasaarada amniga ee Puntlland.
Xaflada xalay ayaa waxaa ka soo qayb galay Taliyaha Guud ee ciidanka difaaca Puntland Gen,Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ,taliyaha Ciidanka madaxtoyada Cumar Cabdulaahi Taliyaha ciidanka Booliska , Taliyaha ciidanka nabadsugida, Taliyaha Sirdoonka iyo taliyaha ciidanka Dekkadda Boosaaso.
Taliyaha Guud ee ciidanka difaaca Puntland Gen,Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) oo hadal kooban ka jeediyey xaflada ayaa wxaa uu mahad balaaran u jeediyey ciidanka daraawiishta Puntlland isagoo ku amaanay sida wanaagsan oo ay u sugeen amaanka degaanada Puntlland isagoo ku nuuxnuuxsaday in xaflada sidaan oo kale ah aysan ka dhici lahayn haddii ay ciidanka dowllada Puntlland aysan sugin amaanka iyo nabadgelyada gobollada Puntlland ay maamusho.
Taliyaha Guud ee ciidanka difaacad Puntland Gen Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa xusay in Puntlland ay leedahay cadaw badan oo hadba shaar cusub soo xirta ayna ka war hayaan ciidanka dowlladu talaabo ku haboona ay ka qaadi doonaa cid walba oo isku daynada in ay khalkhal geliso amaanka iyo nabadgelayada ka jirta Puntlland.
Gen.Siciid Dheere ayaa waxaa uu sheegay in xafladaan ay tahay mid lagu dhiiri gelinayo ciidanka dowlada Puntland si ay ugu istaagaan difaac midnimada iyo jiritaanka Puntlland.
Xaflada xalay ka dhacday magaalada Boosaaso ee loo qabtay ciidanka ayaa ku soo beegmaysay kulamo ay uga socdaan magaalada Boosaso Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole iyo taliyaasha ciidanka Puntlland oo ilaa hadda aan la shaacin wixii ka soo baxay.
M_M_Deeq
Halgan.net