110 arday oo xifdiyey Qu,aanka oo lagudooniiyey Shahaadooyin (Masawiro)
March 16, 2013 - Written byMuqdisho:-Xaflad balaaran oo si weyn looga soo qeyb galay ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Bosaaso xarunta gobolka Bari waxaana munaasabad lagu gudoonsiiyey shahaadooyin 110 ardey kuwaas oo xifdiyey Quraanka Kariimka waxaana xaflada qabtay dugsiga Quraanka iyo waxbarashada asaasiga ah ee Daarul Quraan ee magaalada Boosaaso.
Munaasabada lagu gudoonsiiyey Shahaadooyinka ardayda gaareysa 110 arday ayaa waxaa ka soo qey galay Maamulka iyo macalimiinta Dugsiga Daarul-Quraan ,waalidiin ,culimo iyo ardey Dugsiga Daarul Quraan kuwaas oo xifdiyey Kitaabka alle subxaanahu watacaalaa.
Maamulaha Dugsiga Daarul-Quraan Sheekh Maxamed Cali ayaa warbixin iyo waxqabadka Dugsiga Daarul-Quraan ka jeediyey Munaasabada lagu abaal mariyey ardayda xifsiay Qu,aanka wuxuuna sheegay in ka badan 11 sanno ay wadeen dadaalkooda.
no images were found
Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadalay qaar ka mid ah waalidiinta ardayda Qu,aanka Xifdiyey waxayna u mahad noqeen macalimiinta iyo maamulka Dugsiga Daarul-Quraan ,waxaa sidoo kale goobta ka hadlay culuma,udiin ka soo qeyb galay munaasabada waxayna ku dhiiragaliyeen ardaya iyo waalidiinta in lagu dadaalo xifdinta qu,aanka iyo sunnada Nabiga nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee.
Halgan.net
Boosaaso