Al-Shabaab oo dib u qabsaday Degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool
March 17, 2013 - Written byBaydhabo:-Wararka ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya gobalka Bakool ayaa sheegaya in Degmada Xudur ay dib ula wareegtay gacan ku haynteeda ciidamada Al-Shabaab ka dib markii ay halkaas isaga baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFS waxayna fariisin ka sameysteen duleedka Degmada Xudur.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bakool iyo kan degmada Xuddur ayaa la sheegay inay aadeen dhinaca Degmada Ceelbarde, Lama garanayo sababta ay ciidanka uga baxeen Degmada Xudur.
Goobjoogayaal ku sugan Degmada Xudur ayaa warbaahinta u sheegay in ciidan ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku sugan yihiin gudaha Degmada Xudur.
Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan DFS oo ka hadlay qabsashada Degmada Xudur ,waxaana ku sii qulqulaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay Xildhibaano iyo masuuliin ka tirsan DFS oo ka soo jeeda gobalada Bay iyo Bakool .
A/Cawale
Halgan.net