Ciidanka Amaanka ee Boosaaso oo gacanta ku dhigay burcadii dhacday xawaalada Kaah
March 28, 2013 - Written byBoosaaso:-Ciidanka booliska ee Boosaaso oo kaashanaya dadweynaha ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan xalay qaar ka mida ragii dhaca u geystey xawaalada Kaah ee Bosaaso maalinimadii shalay weerarka oo ay ku dhinteen laba qof ayna ku dhaawacmeen qaar kale oo dhamaantood ahaa shaqaalaha xawaalada Kaah. Ciidamada PIS iyo kuwa Booliska ayaa xalay u dhacay guri uu ku dhuumaaleysanayey Abdulqaadir Xasan Ciise Dabliq oo 60 sanno jir ah kaas oo ahaa hogaamiyihii kooxda Burcada ee dhacday xawaalada Kaah ,Dabliq ayaa la sheegay in uu dhalay Farxaan Cabduqaadir Xasan. Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay ku weli wadaan baaritaan ku saabsan sababah rasmiga ah ee ka danbeeya in dhac loo geysto Xawaalada Kaah ee magaalada Boosaaso.
Ciidamada Booliska Puntland ayaa sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen laba nin oo kale kuwaas oo ka mid ahaa Burcadii dhacday Xawaalada Kaah ee magaalada Boosaaso waxaana sidoo kale Booliska ay baadi goobayaan nin kale oo ka mid ahaa burcada weerartay Xafiiska Xawaalada Kaah ee magaalada Boosaaso.
M_M Deeq
Halgan.net