Ciidanka Booliska Garoowe oo qabtay rag ka mid ah burcadii dhaca u geystay Xawaalada Kaah Express
March 31, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Ciidanka Booliska ee magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa ay gacanta ku dhigeen 2 nin oo ka mid ahaa kooxdii burcada ahayd ee dhaca u geystay Xawaalada Kaah Express ee magaalada Boosaas ee xarunta Gobolka Bari iyagoo doonayey in ay baxsadaan. Ciidanka Booliska Garoowe oo xog ka hellay ciidanka Sirdoonka ee dowllad Puntland ayaa maanta qabtay 2 nin oo ka mid ahaa raggii dhac u geystay Xawaalada Kaah Express ee Boosaaso, 2-da nin ee lagu qabtay magaalada Garoowe ay waxaa ay kala yihiin Barre Maxamuud Cali Xuseen iyo Mahad Cumar Bulxan.
Maalmo ka hor ayaa sidoo kale waxaa ay Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ku qabteen magaalada Boosaaso ninkii burcadaan madaxda u ahaa oo lagu magacaabo Abdulqaadir Xassan Ciise Dabliq iyo nin kale wallow qaar kale ay baxsadeen markii ay ciidanku howl galo ka sameeyeen xaafadaha Boosaaso. Dadweynaha ku dhaqan degaanada Puntlland ayaa aad u soo dhaweeyey guushay ay ka gaareen ciidanka amaanka qabshada Burcadaan dilka, dhaawaca iyo dhac u geytay shaqaalihii Xawaalada Kaah Express ee magaalada Boosaaso.
M_M_Deeq
Halgan.net
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
1 Comment so far
Leave a comment
maashallaah guul dawladda puntland the hope of somali people