Ciidanka Booliska Puntlland oo qabtay lacag Shilin Soomaali ah oo loo waday Koonfurta Soomaaliya
March 12, 2013 - Written byGaroowe:-Ciidanka Booliska ee dowllada Puntland ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen lacag fara badan oo Shilin Soomaali ah oo loo waday Koonfurta dalka Soomaaliya, Ciidanka Booliska ayaa wada howl galo ay kaga hortegayaan in lacagta Shilin Soomaaliga ah laga saaro degaanada Puntlland iyadoo Kontroolada magaalooyinka ka wada baaritaan. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda maaliyadda ee dowllada Puntland Ibraahim Qoodhan oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska Puntlland ay qabteen Lacag Malaayiin ah oo Shilin Soomaali ah oo la doonayey in laga saaro Puntlland
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda maaliyadda ee dowllada Puntland Ibraahim Qoodhan ayaa saxaafada u sheegay in lacagta la qabtay ay lahaayeen ganac satada qaadka sidaas darteedna ay lacagta ugu bedelaan Dollar ahaan maadaam 36 Saac ee loo qabtay in aan lacag laga saari karin Puntlland aan la gaarin balse waxaa uu xusay in hadda wixii ka danbeeya lacagtii la qabto lala wareegi doono.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda maaliyadda ee dowllada Puntland Ibraahim Qoodhan ayaa sheegay in dhaqaalaha oo hoos u dhaca ay keeni doono haddii lacagta Shilin Soomaaliga ah laga saaro degaanada Puntlland waxaan uu digniin culus u diray ganacsatad in ay ka foojignaadaan khatarta dhaqaalo xumo
ee ka dhalan karta in lacagta Shilin Soomaaliga ah laga saaro degaanada Puntlland.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda dowllada Puntlland Ibraahim Qoodhan ayaa sheegay in talaabo adag ay ka qaadi doonaa lacagtana ay kala wareegi doonaa ganacsatadii lagu qabto iyagoo lacag ka saaraya degaanada Puntlland. Dhinac kale Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda dowllada Puntlland Ibraahim Qoodhan ayaa sheegay in dowllada Puntlland iyo dowllada Federaalka Soomaaliya ay hishiis ku gaareen in lacag Soomaali si deg deg ah loo keeno dalka Soomaaliya sidaas darteedna Madaxweynaha dowllada Puntlland uu magacaabay gudi arinkaas ka shaqeeya.
M_M_Deeq
Halgan.net