Ciidanka DFS iyo kuwa Itoobiya oo la wareegay Degmada Ufuroow ee gobolka Bay
March 7, 2013 - Written byBaydhabo:-Ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya ayaa la wareegay degmada Ufuroow ee gobolka Bay waxaana isaga baxay ciidamada Ururka Al-shabaab oo sannadihii lasoo dhaafay gacanta ku hayey Degmada Ufuroow.
Ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya ayaa si nabad ah kula wareegeen degmada Ufuroow ee gobolka Bay,ciidamada huwanta ayaa waxay xarun ka sameysteen duleedka Degmada Ufuroow oo u jirta 40KM Degmada Diinsoor oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidanka Ururka Al-Shabaab.
Ciidamada Itoobiya ayaa waxay qabsadeen gobalka Hiiraan ,Gedo iyo deegaano ka tirsan Bay iyo Bakool iyaga oo sheegaya in ay taageerayaan DFS .Saraakiisha ciidanka DFS ee gobalka Bay ayaa ku goodiyey in ay dhawaan qabsan doonaan Degmada Diinsoor oo ay ku sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.
Ilaa haatan ma jirto cid ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay gacan ku heynta Degmada Ufuroow oo ay la wareegeen ciidamada DFS oo ay taageerayaan ciidamada Itoobiya.
A/Cawale
Halgan.net