Mu’tamarkii Islaamiga ahaa ee ka socday Kampala oo maalintii 3aad galay (Warbixin)
March 31, 2013 - Written by EditorKampala:-Mu’tamarkii dacawiga ahaa ee ka socday magaalada kampala ayaa maalintii 3aad galay waxaana maanta ilaa caawa baxay duruus badan oo ka kala baxday hoolka jaamacadda bariga afrika,musallaha ciidda ee raacsan masjidka towxiid iyo masjidka towxiid.
Duruusta maanta ka baxday hoolka jaamacadda bariga afrika waxaa kala jeediyay sh. Abuu shayba oo ka hadlay ku sugnaanshaha diinta,sh. Yuusf aadan oo ka hadlay kaalinta dhallinyaradu ku leeyihiin hagaajita bulshada iyo sh. Fuaad oo ka hadlay dareenka masuuliyadda, duruustanina waxay gaar u aheyd ardayda waxa ka barata jaamacadaha kampala oo si baallaadhan uga soo qayb galay.
Duruusta ka baxday musallaha ciidda waxaa jeediyay sh. Maxamad cali gadhle oo ka hadlay ahwaasha ( mashaqooyinka) qiyaamaha,iyo sh. Abuu xassaan oo ka hadlay qabriga cadaabkiisa iyo naciimkiisa, duruustanina waxay gaar u aheyd dumarka ku nool magaalada kampala oo si baaxad eh uga soo qayb galay.
Salaaddii duhur ka dib waxaa masjidka towxiid ka baxay muxaadaro uu jeediyay sh. c/raxiim abuu cayneyn oo ka hadleysay qiimaha ay leedahay acmaasha gudubta ( midda aan qofka sameynaya ku koobneyn) salaaddii casar ka dibna waxaa masjidka ka baxay muxaadaro ka hadleysay ribada iyo raadka xun ee ay bulshada ku leedahay waxaana jeediyay sh. Maxamad yamani,iyo muxaadaro ka hadleysay axkaamta beeca( wax kala iibsiga) oo uu jeediyay sh. Maxamad cali gadhle.
Salaaddii makhrib ka dib ilaa 9:15 fiidnimo waxaa masjidka towxiid ka socday fataawi culimadu kaga jawaabayeen su’aalihii dadweynihii mu’tamarka ka soo qayb galay waxaana su’aalaha ka jawaabayay dhammaanba cuimadii duruusta mu’tamarka jeedinaysay.
Mu’tamarka waxaa lagu wadaa in habeen danbe la soo gabagabeyn doono inshaa allaah barrina waxaa socon doona duruustii ka baxeysay masjidka iyo musallaha ciidda inshaa allaah.
Halgan,net
Kampala