Qarax caawa ka dhacay ka soo horjeedka Masjidka Al-hidaaya ee magaalada Nairobi.[Daawomasawirada]
March 5, 2013 - Written byNairobi:-Waxaa caawa abaarihi marka ay eheed 8:20 daqiiqo laba qarax oo is xigxiga ay ka dhaceen ka soo horjeedka Masjidka Al-hidaaya ee magaalada Nairobi, Masjidka Al-hidaaya ayaa waxaa uu ku yaalaa xaafada Islii. Qarax koowaad ayaa dhacay xili dadku ay ka soo baxeen salaadii cishe halka qaraxii 2aad oo weynaa uu dhacay dadka oo aan weli ka bixin Masjidka.
Markii uu ka qaraxu ka dhacay ka soo horjeedka Masjidka Al-hidaaya ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidanka Booliska iyo kwua sirdoonka dalka Kenya waxaan ay bilaabeen in ay baaritaan sameeyaan iyagoo xiray aag uu qaraxu ka dhacay. Ilaa hadda ma lama yaqaan cidda wax ku noqotay 2 qarax ee caawa ka dhacay ka soo horjeedka Masjidka Al-hidaaya ee magaalada Nairobi , qarax ayaa waxaa uu dhaawac soo gaarsiiyey Muraayadaha Masjidka Al-hidaaya balse wax dhib ah ma gaarin dadkii ku tukanayey masjidka gudihiisa.
no images were found
Ma ah markii ugu horaysay oo qarax lala beegsado Masjidka Al-hidaaya waxaan horay masjidka Qarax lagu weeraray lagu dhaawacay dad shacab ah oo Salaad cishe ku tukaday masjidka iyo Yuusuf Xassan oo siyaasi soomaaliyeed ee laga soo doorto Xaafada ay soomaalidu ku badan tahay ee Islii.
Wixii soo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa haddii Alle idmo.
Halgan.net