Qarax ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Ex-Fiyoore ee magaalada Muqdisho
March 18, 2013 - Written byMuqdisho:Waxaa saaka qarax miino ah oo gaari laga soo buuxiyey lagu weeraray irida hore ee xarunta Ex-fiyoore oo ku dhow guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho, weerar ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac fara badan. Gaariga laga soo buuxiyey walxaha qarax ayaa waxaa uu bartilmaameedkiisu uu ahaa in lagu khaarajiyo Taliyaha ciidanka nabadsugidda ee gobolka Banaadir Col. Khaliif Axmed Ereg .
Taliyaha ciidanka nabadsugidda ee gobolka Banaadir Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa waxaa goobta marayey gaarigiisa iyadoo ilaalada la socotay Taliyaha ciidanka nabadsugiddu ay rasaas badan fureen markii qaraxu dhacay. Qarax ayaa waxaa ku dhintay ilaa 7 qof oo rayid ah halka dhaawacu uu badan yahay, dadka dhaawac iyo dhimashadu ay gaareen ayaa waxaa ka mid ah dad shacab ah oo gaari Bl-ah la socday ka dibna uu qaraxu haleelay markii ay goobta marayeen
Goobta qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray shacab, ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM waxaan ay bilaabeen in ay dhaawac iyo dadka dhintay ay u qaadaan xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho. Uurka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka lagu qaaday Taliyaha ciidanka nabadsugidda ee gobolka Banaadir Col. Khaliif Axmed Ereg oo warar soo baxaya ay sheegayaan uu gaaray dhaawac.
A/Cawaale
Halgan.net