Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo tegay Degmada Dhuusamareeb
March 4, 2013 - Written byMuqdisho:-Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka safar ku gaaray Degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud. Safarka Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa ku weheliya Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed ,Wasiirka gaashaandhiga Cabdixakiin Xaaji Fiqi iyo saraakiil ka tirsan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.
Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maalmihii la soo dhaafaya waxaa la hadal hayey in safar uu ku tegi doono Gobolka Gal-gaduud ka dib markii ay ciidamo ka tirsan AMISOM ay gaareen Gobolka. Ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS ayaa waxaa la arkeyey saaka iyagoo sugaya amaanka Degmada Dhuusamareeb , dadweyne fara badan iyo ardayda dugsiyada ayaa ska qayb qaatay soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigii ku weheliyey safarka.
A/cawaale
Halgan.net