Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo gaaray degmada Jowhar
March 30, 2013 - Written by EditorJowhar:-Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta waxaa uu safar aan horay loo shaacin uu ku gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo halkaas si weyn loogu soo dhaweeyey ,Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya, ayaa markii uu gaaray degmada Jowhar waxaa uu kulamo kale duwan la qaatay maamulka gobolka degmada Jowhar ,odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS.
Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Dowllada federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa safarkiisa waxaa uu yahay mid ay dowllada Federaalka ay ku doonayso in ay wax ka soo ogaadaan xaaladaha ka jira gaar ahaan dhinac amaanka Gobollada ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira.
Ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS ayaa waxaa la arkayey iyagoo sugaya amaanka guud ee degmada Jowhar waxaan ay xireen dhow wado iyadoo sidoo kalena uu istaagay dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo isku socdka. Ilaa hadda lama yaqaan inta maalmood oo uu qaadanayo safarka Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo maanta ka soo baqoolay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net