Warbixin: Dugsiga Al-shacab ee magaalada Gaalkacyo iyo waxqabadkiisa
March 10, 2013 - Written byGaalkacyo:-Dugsiga Alshacab ee magaalada Gaalkacyo wuxuu furmay sannad dugsiyeedkii 2007/2008. Dhismihiisuna wuxuu bilowday sannadkii 2007, wuxuuna dhamaystirmay 2009. Hirgalinta dugsiga waxaa garwadeen ka ahaa hay’adda Himilo international civic development agency oo xarunteeda koowaad tahay Canada, xarunteeda labaadna ku taal magaalada Gaalkacyo, waxaana kala qaybqaatay dadweynaha deegaanka. Dugsigu wuxuu leeyahay guddi maamul oo isugu jira ganacsato, aqoonyahan, culumo iyo xubno jaaliayadaha ka tirsan.
Dugsiga hadda waxaa dhigta 731 arday, waxaana ka qalinjabiyey seddex dufco oo isku dhan 74 arday. Dugsigu dadka waaweyn wuxuu siiyaa waxbarasho habeenkii baxda, waxaana ka qalinjabisay hal dufco oo 22 qof ah, dufco kale oo 19 qof ahna waxay ka qaadatay shahaado dugsi dhexe. Dhinaca kale maamulaha dugsiga Ustaad C/raxmaan Cumar Sh. Nuur wuxuu noo sheegay in waxbarashada ka caawiyo arday danyar ah oo tiradoodu gaarayso 217 arday oo midkiiba laga qaado $2 halka ardayda kale laga qaado $15.
no images were found
Waxqabadka la taaban karo ee dugsiga waxaa ka mid ah in rag ka tirsan ay aasaaseen xarunta xanaanada Barbaariye oo magaalada wax weyn ku soo kordhisay. Dhinaca kale maamulka dugsiga waxaa raacsan oo uu kormeeraa dugsiyo ku yaal tuulooyinka gobolka. Waxyaabaha dugsigu deegaanka ku soo kordhiyay waxaa ka mida in maamulihiisii hore loo magacaabay agaasimaha waxbarashada toosan ee wasaaradda waxbarashada ee maamulka Galmudug.
Dugsiga oo haysta dhisme wanaagsan, kuna yaal goob istiraatiji ah waxaa wax ka dhiga 17 macalin. Waxaa kale oo ka hawlgala afar maamul ah iyo seddex shaqaale ah. Dugsiga Alshacab oo ay aasaaseen dad reer magaal ah oo aqoonyahan ah waxay galiyeen dugsiga, tayayntiisa iyo tarbiyada ardayda dadaal dheeraad ah. Waxyaabaha muuqda oo la taaban karana waxaa ka mida in waxbarashadu tahay mid isu dheelitiran oo ardayda ka soo baxda ay awood u leeyihiin inay wax ku baran karaan luqadaha Carabiga iyo Ingiriiska; waayo maaddooyinka ijtimaaciga ah waxay ku baxaan af carabi halka kuwa cilmiga ahi ku baxaan Ingiriis.
Waxaa kale oo si weyn u muuqanaya heerka aqoonta diinta, xifdiga Qur’aanka iyo axaadiista, heerka wacyiga iyo tarbiyada ee ay gaartay ardayda dugsigu. Qofka booqda dugsiga ee la kulma ardaydiisana wuu ku farxayaa, waxaana uga muuqanaya mustaqbal ifaya iyo in ardaydaani noqdaan kuwii dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax ka badali lahaa.
Soo jeedin iyo gabagabo:
- Maadaama dugsigaani yahay xarun waxbarasho oo deegaanka wax weyn ku soo kordhisay, lagana rajaynayo inay horumar intaa ka badan ku sii tillaabsato waxaa lagama maarmaan ah in maamulka iyo dadka deegaanku si buuxda ula garab istaagaan taageero nooc walba leh.
- In maamulka, macallimiinta iyo ardayda dugsigu xil weyn oo gaara iska saaraan kobcinta iyo tayaynta waxbarashada gobolka, ayna u noqdaan dugsiyada kale tusaale wanaagsan, lana sameeyo xiriir dhaw oo dhexmara ardayda dugsiga Al-shacab iyo ardayda dugsiyada kale.
- In ardayda dugsiga sare lala hirgaliyo barnaamij sare loogu soo qaadayo aqoonta deegaanka, sida in waqtiyada kala duwan ay dadweynaha siiyaan duruus u munaasib ah heerkooda aqooneed o lacag la’aan ah. Si ay deegaanka ugu soo baxaan dad farabadan oo ka dhisan aqoonta aasaasiga ah gaar ahaan dadka waaweyn. Waxaa kale oo muhiim ah in xilliyada fasaxa ardayda look ala diro tuulooyinka; si ay bilahaas dadkooda wax u soo baraan.
- In si gaara xoog loo saaro waxbrashada diineed ee ardayda; si awood ugu yeeshaan ka hortagga dhaqamada xun xun ee dhalinyarada lumiyey.
- In aqoonyahanka deegaanku booqdaan dugsiga, ayna macallimiinta iyo ardayda ka caawiyaan xagga wacyiga iyo afkaarta wax lagu hormarinayo, ayna siiyaan seminaro lagu hormarinayo aqoontooda iyo xirfadahooda.
- In ardayda ka soo qalinjabisa loo raadiyo deeq waxbarasho gaar ahaan kuwa ku guulaysta kaalimaha koowaad; si ay ardayda u galiso tartan aqooneed.
- In lagu caawiyo dugsiga qalbaka waxbarashada sida maktabad, shaybaarada kumbuyuutarka iyo kuwa sayniska.
- In guud ahaan ardayda gobolka lo qabto tartan aqooneed oo sannadle ah.
- In ardayda laga qaybgaliyo barnaamijyada lagu horumrinayo deegaanka; si ay mustaqbalka ugu diyaargaroobaan hoggaanka dalka iyo dadka, una yeeshaan khibrad ku filan.
- In ardayda la siiyo seminaro aqooneed iyo wacyigalineed; si looga hortago mowjadaha dhalinyarada marinhabaabinaya oo isugu jira kuwo daakhili ah iyo kuwo dool ah, sida: qabyaaladda, burcadnimada, daroogada, ciyaal-suuqnimada iyo ku dayshada dhaqamada xunxun ee dibada inooga yimid.
Sh Axmed c/samad
alwaqaar@hotmail.com