Ciidanka Al-shabaab oo Hoobiyaal ku weeraray garoonka diyaaradaha ee Kismaayo
July 2, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay waxaa ay hoobiyaal ku weerareen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubada Hoose, Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii u danbeeyey waxaa ka dhacayey dagaalo xooggan oo u dhexeeya ciidanka maamul gobolleedka Jubballand iyo ciidamo beeleedyo hubaysan oo taageersan siyaasada Dowllada Federaalka Soomaaliya ee Gobollada Jubooyinka. Maareeyaha Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo Carab Axmed Cali ayaa saxaafada u xaqiijiyey in xalay kooxda Al-shabaab ay soo weerareen garoonka balse ay iska caabiyeen.
Maareeyaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo Carab Axmed Cali ayaan sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarkii xalay ay ciidanka ururka Al-shabaab la beegsadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo. Ma ah markii ugu horaysay oo ciidanka ururka Al-shabaab ay weeraro hoobiyaal ah la beegsadaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo. Ma jiro ilaa hadda masuul ka tirsan maamulka Jubbaland oo ka hadlay weerarkii xalay lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.
Cabdi yare
Kismaayo