Been abuurkii laga sameeyey Sh Maxamuud Sh.Xassan oo laga daba tegay.[Daawo Video-ga ]
July 2, 2013 - Written by EditorCopenhagen:-Sh Maxamuud Sh Xassan oo ka mid ah ducaad ku nool wadanka Danmark ayaa webab Soomaaliyeed Waxaa ay ka sameeyeen been abuur aan geed loogu soo gaban, been abuurkaas ayaa waxaa ay ku sheegeen in Sh Maxamuud Sh Xassan Allaha dhowree uu ku luqeeyey heesta Calanka gaar ahaan maalinta 1-da luuliya waxaan ay been abuurkooda qaawan ay cinwaan uga dhigeen Daawo Culamadii Oo Qaadaya Heesta Calanka Somalia Hambalyo Diraya .Webabka waxaas faafiyey iyo kuwa ka sii qaatayba oo dhamaantoodba aan keydinay wax ay qoreen waxaa waajib ku ah in ay beenta ay faafiyeen ay ka towbad keenaan.
Sh Maxamuud Sh Xassan ayaa waxaa uu ka hadlayey sidda dad badan oo muslimiin ah aysan u aqoon bilaha iyo maalmaha ay shareecadeena islaamka ay amartay in la soomo ama la weyneeyo sidda ciidaha islaamka.
Hoos ka Daawo Muxaadarad Sh Maxamuud Sh Xassan oo la kala gooyey beena loo adeegsaday
Waxaa xusid mudan in culimada dalka Soomaaliyeed iyo ducaad fara badan laga sameeyey been abuuro ay ka mid yihiin in magacyadooda lagu furto Face-book ka dibna Shiikh sawirkiisa iyo magaciisa lagu dhajiyo sidda lagu sameeyey Sh Maxamuud Shible iyo Sh.Maxamed Cumar Dirir.
Culimada Soomaaliyeed iyo ducaad ku howlan islaaxinteeda umada Soomaaliyeed ayaa lagu soo qaaday duulaan cad oo dadka cadawga ku ah diinta islaamka iyo kuwo warmoog ah ay ku howlan yihiin, laakiin waxaa alle mahadiis in Alle balan qaaday in diintiisa uu xifdinayo ayna jiraan dad u taagan in ay cadawga ku soo duulay culimada iyo ducaada kheyrka wada ay difaacaan sharftooda iyo wax ay xanbaarsan san yihiin ee diinta oo ah ra’sumaalka umada Islaamka.
Haddaba waxaa ogeysiinaynaa webabka ku been abuurta Sh Maxamuud Sh Xassan in ay raali gelin buuxa ka bixiyaan kana saaraan qoraalada beenta ah Allena ay uga towbad keenaa been abuurkaas , beenta waa shey xaaraan ah waan danbi weyn
waan ka sii xag jirtaa marka lagu been abuurto umada idhaheedii oo ah culimada diinta iyo ducaada kheyr.
Hoos ka Daawo Muxaadarad Sh Maxamuud Sh Xassan ee laga soo gooyey qaybka mid ah ka dibna loo adeegsado in lagu been abuurto Shiikha waa qaybta 1aad
Hoos Ka Daawo qaybtii 2aad ee muxaadarda Sh Maxamuud Sh Xassan
Halgan.net