Daawo muqaalka & sawirada laga soo duubay Markazka Caaisha ee Laascaanood
July 1, 2013 - Written by EditorLaascaanood:-Machadka Caaisha oo ka mid ah Machadyada ugu waawayn Gobolka Sool ayaa waxa uu soo bandhigay Aqoonta iyo Tirada ardaydaa uu gacanta ku hayo Machadkan ayaa waxaa dhidibada Loo taagay 2004 tan iyo goortaas waxa uu ku talaab saday Koror Aqooneed oo aad u farabadan,iyo arddayba.
Munaasabadan ayaa Halkaas waxa shahaadooyin lagu gudoon siiyaya ardaydii dhamaysatay Sanad Dugsiyeedka 2012\2013 Arddayda iyo Guud ahaan Markazka waxaa ka warbixiyay Maamule Siciid Axmed Cadar oo ku dheeraaday qaybaha kaladuwan ee uu ka kooban yahay Geeska kale shiikha ayaa waxa uu ka hadlay Dhibaato Haysata oo dhanka hoyga ah iyadoo qabyo yihiin Dhamaan dhismayaasha Machadka ee haatan ay ku jiraan arday farabadan waxa uuna ka Codsaday shacabka Soomaaliyeed Iyo Dadka Deegaanadan u dhashay in ay soo dhamaystiraan Machadka Caaisha,oo xoog u ah waxabarashada diinta iyo horumarka Deegaanka. kala xiriir [ +252-63-4496906 Ama +252-90-763310.]
no images were found
Geestakale waxaaa halkaas ka hadlay Culimo farabadan waalidiin aqoon yahano waxaa halkaas shahaadooyin Lagu gudoon siiyay ardayda iyo culimada Doorka ka qaatay Horumarka Diinta Islaamka iyo Haayada Manhal Oo shahaado sharaf lasiiyay Iyo gabadh Deegaanadan u dhalatay Oo dhulka Machadka Ku Deeqday,oo Halkaas shahaado sharaf lagudoon siiyay,
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Gudiimiyaha shirkada Telesom C\dirsaaq Dhbayaco Oo ka farxiyay ardaydii Halkaas joogtay uguna bishaareeyaya in ay ka shirkad ahaan sookordhin Doonaa qaybta Aqoon maal Luuqada Carabiga iyo Qaamuus Si wayn Oga caawin Doona Aqoonta arddayda barashada Luuqada Carabiga iyo Diiniga anaga ka shirkad ahaan waxaan u taaganahay inaan markasta garab istiigano waxbarashada Deegaanadan Ka socota.
Daawo Muqaalka Laga soo duubay Markazka Caaisha ee magaalada Laascaanood
Halgan.net