Dowrado diini ah oo dhalinyaro loogu qabtay Masjidka Ibn Cuthaymin ee Leicester.[Masawiro]

July 6, 2013 - Written by Editor

14Waxaa maanta Mu,asasada Irshad qaybteeda dhalinyaradu ay ku qabteen Masjidka Ibn Cuthaymin ee magaalada Leicester Dowrdo diini ah oo ay ka soo qayb galeen dhalinyarada qaybaheeda kala duwan. Dowradaan diiniga ah ayaa waxaa duruus qiimo gal ah ka bixiyey Sh.Maxamed Cabdikarim, Duruusta  ka socotay Dowrada ayaa dhalinyarad waxaa loo qaybiyey duruustii baxaysay oo qoraal ah waxaan uu Shiikh Maxamed Cabdikarim u kala qaybiyey sidda tan:-

1. Sacaadaiyo najaaxa.

2. Hor Marinta nafta.

3. Aqsaamta shareecada.

Sh.Maxamed Cabdikarim ayaa waxaa duruusta u bixiyey qaab kooban oo dhalinyaradu ay la socon kartay waxaan intii ay duruusta ay socotay uu su’aalo dhowr ah oo ku saabsan duruusta baxaysay uu wiidiiyey dhalinyarad iyagoo si wanaagsan uga jawaabay. Sh.Maxamed Cabdikariim  ayaa dhalinyarad siiyey dardaarano qiimo badan oo ay ugu horayso in dhalinyaradu ay bartaan cilmiga sharciga ah kuna xirmaan culimadooda  isagoo ku booriyey in dhalinyaradu ay ka fogaadaan afkaarta  guracan ee da’yarta la doonayo in lagu habaabiyo oo ay ugu horayso in culimadooda lagu diro.

no images were found

Dhalinyarada ayaa waxaa la siiyey dhowr jeer oo nasasho ah markii darsi ilaa xooggaa uu socdo si dhalinyaradu aysan u caajisin duruustan ay ula socodaan. Dhinac kale waxaa Duruusta baxaysay garab socoday Work shop- yo looga dooday habka ugu wanaag san ee cilmiga lagu raadsan karo iyo qaabkii  dhalinyaradu ay qayb uga ahaan lahayd in ay ka qayb qaataan fidinta Dacwada islaamka.

Waxaa kale oo jirtay muxaadaro ku saabsan Ramaadanka oo jeediyey mid ka mid ah dhalinyaradii ka soo qayb gashay Dowrada Mustafe Aadan kana mid ah ardayda dhigta  Jaamacadda Madiin ee dalka Sacuudiga.

Dhalinyarada  Dowrada ka qayb gashay ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen:-

1. London.

2, Birmingham.

3. Manchester.

4. iyo Leicester.

Gabagabadeed Dowradaan ayaa waxaa ay ku soo dhamaatay jawi farxadeed oo wanaagsan  waxaan dowradaan dowr weyn ka qaatay fududeynteeda iyo habsami u socodkeeda Maamulka Masjidka Ibn cuthaymiin  ee magaalada Leicester gabdho iyo wiilalba.

Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
July 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online