Madaxweynaha DFS oo waraaqihii aqoonsiga kala wareegay Safiirka cusub ee UK

July 2, 2013 - Written by Editor

IMG_4178Muqdisho, 2 July 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga kala wareegey Safiirka Cusub ee Dowladda UK ay u soo magacowday dalka Soomaaliya Mr Neil Wigan. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam ayaa goob joog ka aheyd kulanka uu Madaxweynaha la qaatay Safiirka UK.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Ingiriiska sida ay doorka hoggaamineed uga qaadatay Soomaaliya oo ay mar walba garab-taagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Safiirka cusub ee UK ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey ka guddoonka waraaqihiisa aqoonsiga, isla markaana soo gaarsiiyey Madaxweynaha farriin uu uga waday Ra’iisul Wasaaraha UK oo sheegaya in Dowladda Ingiriisku ay ka go’antahay sidii loo saacidi lahaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii u rajeeyey Safiirka cusub Neil Wigan inuu howshiisa u guto si wanaagsan oo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedna ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan. Kulanka ka dib ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya iyo Safiirka cusub ee UK ay shir jaraa’id si wadajir ah ula hadleen warbaahinta.

DHAAMAAD
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor Spokesperson
to the Office of the President

Leave a comment

*

Archives
July 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online