Madaxweynaha oo ka qeybgalay salaadii JanaasadaBoqor Cabdullahi Boqor Muse (Masawiro)

July 7, 2013 - Written by Editor

IMG_4712Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qeybgalay salaadii Janaasada ee Marxuum Boqor Cabdullahi Boqor Muse (King-Kong) oo maanta lagu tukadey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Cadde.

Marxuum Boqor Cabdullahi Boqor Muse ayaa maanta meydkiisa la soo marsiiyey Muqdisho iyadoo salaadda ka dib loo qaaday magaalada Qardho oo lagu aasi doono meydka marxuumka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa yiri “Geeridu waa xaq, waxaana EEBBE uga baryayaa eheladii, saaxiibadii iyo dhammaan Soomalida inuu samir iyo IIMAAN naga wada siiyo geeridii marxuum Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King-Kong) oo si weyn looga yaqaanno Soomaaliya, isla markaana mas’uuliyad Qaran ka soo qabtay dalka. Marxuumka waxaa lagu yaqaanaa shaqsi nabaddeed. Boqorka waxuu siyaasadda ka sakow ka mid ahaa madax dhaqameedka Soomaaliyeed, waxaan EEBBE uga baryeynaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, annagana samir iyo IIMAAN naga wada siiyo.”

no images were found

Madaxweynaha ayaa marwada marxuumka, carruurtiisa iyo eheladdaba gacan qaaday una tacsiyeeyey.Munaasabaddan salaadda Jinaasadda waxaa kaloo goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, wasiiro, xildhibaanno, siyaasiyiin, madax dhaqameed iyo bulshoweynta Soomaaliyeed.

DHAMAAD–

Leave a comment

*

Archives
July 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online