Qardho oo si weyn looga diyaar garoobayo aaska Boqor C/laahi boqor Muuse

July 6, 2013 - Written by Editor

QardhoQardho:-Magaalada Qardho, xarunta gobolka Karkaar, ayaa waxaa ka soconeysa qabanqaabada aaska Boqorka beelaha Daarood, iyadoona dhinacyada ammaanka iyo hagaajinta waddooyinka si weyn looga shaqeeyey.

Berri oo Axad ah, ayaa lagu wadaa in magaalada Qardho lagu aaso boqor C/laahi boqor Muuse oo dhawaan ku geeriyooday dalka Filand, waxaana meydka boqorka marka hore laga soo dajinayaa magaalada Muqdisho, sida lagu wadana halkaas ayaa Janaazo loogu tukanayaa.

Duugta boqorka, ayaa waxaa ka soo qeyb galaya Isimada ugu waaweyn beelaha Daarood, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo dadweyne kale oo isaga kala imaanaya dhammaan daafaha dunida.

Wufuud ay ka mid yihiin, mas’uuliyiin ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya, madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, iyo wafdi ka socda dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, waxaana marti loo yahay dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Boqor C/laahi boqor Muuse, ayaa 25kii bishii la soo dhaafay ku geeriyooday dalka Filand, iyadoona sanadkii 2008dii loogu caano shubay inuu noqdo boqorka beelaha Daarood.

Halgan.net/Somalireal

Leave a comment

*

Archives
July 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online