Sheekh Yuusuf Aden oo wacdi ka jeediyay Masjidka isbahaysiga islaamka
July 5, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Sh.Yuusuf Aden Maxamed oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Soomaaliyeed kana soo qayb galay shirweynihii 18aad ee jamaacada al ictisaam Bilkitaab Wassunah ayaa tacliiq kooban ka jeediyay khudbaddii jimcaha ee maanta laga akhriyay masjidka isbahaysiga islaamka ee magaalada Muqdisho.
Ugu horeyntii wuxuu sheekhu ka hadlay ujeeddaeddada loo soomayo bisha ramadaan wuxuuna tilmaamay in ay tahay in la kasbado alle ka cabsi sida ilaahay quraanka ku sheegay ياءيها الذين آمنوا كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقون Sidoo kale wuxuu sheekhu sheegay in soonka laga baranayo shukri iyo in ilaahay loo mahad celiyo ولعلكم تشكرون
Wuxuuna sheekhu sheegay in soonka caafimaad laga helayo, laguna xusuusanayo dadka masaakiinta ah ee aan heli karin wax ay cunaan ee gaajadu ku raagtay, dadka wax haystana waxay dareemayaan xanuunka gaajada si ay ugu damqadaan walaalohooda gaajeysan oo ay wax ugu taraan.
Sheekhu wuxuu sheegay in lagu soomayo bisha aragtideeda laguna afurayo, wuxuuna sheegay in Qofka soonku ku waajibayo uu yahay qof muslim ah, qaangaadh ah, caafimaad qaba safarna aan aheyn oo karaya soonka, wuxuuna sheegay in dadka cudur daarka leh qaarkood soonku ka asaxayo haddii ay somaan sida qofka da, da weyn ama safarka ah, qaar kalana aanu ka asaxaynin sida haweenta caadada qabta.
Ugu danbeyntii wuxuu sheekhu soo jeediyay su, aal aha : maxaa la inaga rabaa bilashada bisha Ramaad ka hor ? Wuxuuna sheegay in waxa ugu muhiimsan ee la inaga rabo ay tahay inaan ilaahay u towab keenno, inaan dunuubtii faraha kala baxno, ka murugoonno, oo aan go, aan ku gaadhno ineynaan dib ugu noqonin, sidoo kale waa in uu qofku hagaajiyo wixii uu kharribay, towbaddna waa in ikhlaas weheliyo, ayna towbaddu dhacdo xilli ayna towbaddu xidhnayn, wixii xaq aadane ahna waa inuu qofkii lahaa u celiayaa.
Dadweynihii soo camiray Khudbadii Jimacaha ee Masjidka isbahaysiga islaamka ayaa si wanaagsan uga faa,ideystay Sheekh Yuusuf Aden Maxamed ilaahay ha dhowree.
Halgan.net