Wasiirka Arrimaha gudaha ee DFS oo ka hadlay xaalada Sh. Xassan Daahir Aweys
July 2, 2013 - Written by EditorMuqdisho:Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga ee DFS C/kariin Xuseen Guuleed ayaa markii u horeysay maanta ka hadlay xaalada Sh.Xassan Dahir Aweys waxaana uu sheegay in dowlada ay gacanta ku heyso Sheekh Xasan Daahir Aweys uuna nabad qabo waxaana uu beeniyey in gacanta loo galiyey ciidamo ajaanib ah oo ku sugan xerada Xalane.
Wasiirka Arrimaha gudaha ee DFS C/kariin Xuseen Guuleed ayaa wareysi siiyey Idaacada Radio Muqdisho oo ku hadasha Afka dowlada Federaalka Soomaaliya wuxuuna meesha ka saaray oo uu beeniyey in DFS ay Sheekh Xasan Daahir Aweys ay rabto in ay u gacan galiso Sirdoonka dalal reer galbeed ah.
Wasiirka Arimaha Gudaha ee DFS ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay jirdilkii loo geystay Nabadoono iyo Siyaasiyiin ka soo kaxeeyey magaalada Cadaado Sheekh Xasan Daahir Aweys waxaana uu yiri “Arrimihii habeen 3aad dhacay, runtii dadkii odayaasha ahaa ee aqayaarta ahaa, sidii wax u dhaceen iyo wixii ku dhacay waa ka xunahay, waana ka tacsiyeynaynaa.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee DFS C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shacabka uga digay dad uu ku tilmaamay warxuma tashiil kuwaas oo shacabka ku kicinaya warar been ah wuxuuna ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay ilaaliyaan nabadgalyada iyo xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee DFS C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale beeniyey in uu xanuunsan yahay Sheekh Xasan Daahir Aweys waxaana uu sheegay in uu nabad qabo uuna ku sugan yahay meel aamin ah wuxuuna intaas raaciyey in dowladiisa ay soo dhaweyn doonto cid kasta oo ka goosta ururka Al-shabaab.
A/Cawale
Halgan.net