Abu Ayaan oo ka waramay qaabkii loo dilay Abu Mansuur Al-Amriki iyo Osama Al Britaini.[Dhagayso]

September 12, 2013 - Written by Editor

voaGedo:-Idaacada VOA ayaa waxay wareysi la yeelatay Abu Ayan oo ka mid ahaa Ururka Al-shabaab waxaana uu ka warbixiyey qaabkii loo dilay Abu Mansuur Al-Amriki iyo Osama Al Britaini. Cumar Maxamed Abuu Ayaan ayaa sheegay in dilka Cumar Xamaami uu dhacay meel u jirta 20 Km Degmada Baardheere wuxuuna sheegay in rag la joogay Abu Mansuur ay soo waceen una xaqiijiyeen weerarka lagu dilay Cumar Xamaami.

Abu Ayaan waxaa waxaa uu sidoo kale sheegay in Abu Mansuur Al-Amriki ay la joogeen ilaa 4 kale oo ay ka mid yihiin Osama Al Britaini, iyo Khadhaab Al-Masri. Cumar Maxamed  Abu Ayaan ayaa sheegay in Amiirka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane uu cid walba oo fikir ku khilaafay uu ka dhigay mid xiran iyo kuwa uu Khaarajiyey sidda Ibraahim Afgaani iyo Macalin Burhaan iyo kuwa la baacsanayo. Halkaan ka Dhagayso waraysigii hore ee idaacadda VOA la yeelatay Cumar Maxamed Abuu Ayaan ka dib dilkii Ibraahim Afgaani iyo Macalin Burhaan

Abu Ayaan  ayaa ku eedeeyey in ciidamo daacad u ah Ahmed Godane ay isbuucii la soo dhaafay ay xireen laba haween uu qabay Cumar Xamaami .Ilaa haatan ma jiraan madax ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay dilka Abu Mansuur Al-Amriki .

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Idaacada VOA ay la yeelatay Cumar Maxamed Abu Ayaan

[audio:https://halgan.net/Mp3/Abu_ayan.mp3] ama Halkaan ka dhagayso

C/casiis Maxamed
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online