Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo VOA uga waramay qaabkii loo dilay Ibrahim afgani iyo Macalin Burhaan.[Dhagayso]

August 18, 2013 - Written by Editor

voaMuqdisho:-Ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa horaantii Bishii August sanadkii 2011kii ka baxay saldhigyadii ay kaga sugnaayeen magaalada Muqdisho. Lix bilood ka hor ka bixitaankooda Muqdisho ayaa la sheegay inuu soo bilowday Khilaaf ka dhaxeeyay madaxda sara sare ee kooxda kaasoo keenay in  markii dambe bishii June ee aynu soo dhaafnay lagu dilo magaalada Baraawe ee gobolka Sh. Hoose, Ibrahim Xaaji Jaamac Alafghan oo Amiir ku xigeen ka soo noqday kooxda iyo Sheekh Cabdiladif Xamud Colhaye oo Macalin burhan  ay kooxdu u taqiin.

Muranka ugu xoogan ayaa waxa uu ka dhaxeeyay Amiirka Kooxda Axmed Cabdi Godane iyo rag ay ka mid yihiin Ibrahim Xaaji Jaamac Afghan iyo Mukhtar Roobow Cali Abu Mansor oo somali ah, waxaa kaloo qilaafka qeyb ka ahaa Cumar Xamami oo Abu Mansor Al-Amriki oo Mareykanka u dhashay, kooxda muddo ka bar bar dagaalamayay.

Hadaba Sheekh Cumar Maxamed oo Al-shabab dhexdeeda looga yaqaan “Abu Ayaan” waxa uu ka mid ahaa saraakiisha Al-shabab gacan yarena u soo noqday Ibrahim Afghan. Abu Ayaan oo dhawaan ka soo baxsaday kooxda ayaa VOAda uga waramay dilka Afghan iyo Khilaafka kooxda dhexdeeda ah.

Warbixin arintaasi ku saabsan halka hoose ka dhageyso.

Source VOA

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online