Afhayeenka Baarlamaanka DFS oo tacsi u diray ehelada Xildhibaan Isxaaq Riinoow
April 21, 2014 - Written by EditorGudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinoow oo maanta ku geeriyooday qarax loogu xeray gaarigiisa magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaa saakay ku geeriyooday qarax gaarigiisa loogu xiray Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinoow oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka,Alle raxmadiisa jano ha siiyo anagana samir iyo iimaan hanaga wada siiyo, Xildhibaannada iyo Gudoonka Golaha Shacabka anigoo
magacooda ku hadlaya waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa Carruurta iyo qoyska uu ka geeriyooday marxuumka
Geeridu waa xaq, naf kastana xili ayey leedahay,sababtuna waa halkeeda haseyeeshee gardaro in la isku dilo ma ahan Xaq,waxaase Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Gudoonkaba ay ka mideysan yihiin ineysan falalka argigixisanimo marna na niyad jebineynin oo aysan marna hakin doonin howlaha aan u heyno shacbiga Soomaaliyeed oo waan sii wadi doonnaaayuu hadalkiisa sii raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhinac kale alle uga baryey inuu caafimaad dhameystiran siiyo Xildhibaan Maxamed Cali Dhuux oo isaguna ku dhaawacmay falkii argigixisanimo ee maanta.
—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so