Al-Qaacida maxay u kala jeclaatay Daacishta Soomaaliya iyo Daacishta Shaam ?W/Q C/casiis Maxamed

April 4, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158Muqdsho:-Waxaa  maanta lagu baahiyey mareegaha taageera ururka Al-qaacid cod uu leeyahay hogaamiyaha Al-qaacid Dr.Ayman Al-Dawaahir isagoo ka hadlay xaaladda Suuriya iyo dagaalka dhexmaray xoogga la dagaalamay dowladda Suuriya iyo dilkii ay kooxda dowladda Islaamiga iyo Shaam [Daacish] ku dhishay Sh.Abuu Khaalid Al-Suuri.

Hogaamiyaha Al-qaacid Dr.Ayman Al-Dawaahir ayaa wax laga xumaado ku tilmaamyey dilka kooxda dowladda Islaamiga iyo Shaam [Daacish] ay kula kaceen Sheekh .Abuu Khaalid Al-Suuri oo uu ku tilmaamay geesi in badan  dagaal ku jiray kooxda dishayna waxaa uu ku sifeeyey koox Jaahiliin ah isagoo tusaale u soo qaatay  dilkii ay kooxdii Khawaarijtu ay kula kaceen Amiirkii  Khilaafad Islaamka  Cusmaan Ibnu Cafaan iyo  Cali  Ibnu Dalibرضي الله عنهم .

Hogaamiyaha Al-qaacid Dr.Ayman Al-Dawaahir  ayaa xusay in Sh.Abuu Khaalid Al-Suuri ay isku barteen dalka Afganistaan uuna saaxib lahaa Abu Muscab Al-Suuri aqoon fiican uu u lahaa oo mudo laga joogo 10 sanno ka hor ay mar wada xiriireen ka dibna dhowr jeer la xiray ka dibna markii uu kacdoonku ka bilaawday dalka Suuriya uu ku biiray xoogaggii dagaal ka kula jira dowladda dalka Suuriya si dowladda Islaami ah looga hirgeliyo dalka Suuriya.

Hogaamiyaha Al-qaacid Dr.Ayman Al-Dawaahir ayaa qiray in Sh.Abuu Khaalid Al-Suuri uu uga waramay xaaladda dalka Suuriya ayna ka jirto is gaalaysiin badan iyo xadgudub diineed taas oo horey uga  dhacday magaalada Bishaawar markii  dagaalku uu ka socday dalka Afgaanistaan.

Hogaamiyaha Al-qaacid Dr.Ayman Al-Dawaahir ayaa si cad u sheegay in wax socda dalka Suuriya ee gaalaysiinta ah , xaq dhowrid la’aanta culimada aqoonta u lahaa xitaa dagaalka sidda Sh.Abuu Khaalid Al-Suuri ay ka tarjumayso Jahliga badan ee jira waxaan uu ku booriyey muslimiinta guud gaar ahaan shacabka Suuriya in ay ka fogaadaan in ay qarxiyaan ama bartilmaamsadaan fariisamaha madaxda Mujaahidiinta Suuriya ficilka noocaas ahna uu dan u yahay cadawga Islaamka isagoo ku celiyey in lagu kala baxo shareecad Islaamka kooxda diidan ay tahay mid dulimga wada.

Dhinac kale ayaa Hogaamiyaha ururka Al-qaacid Dr.Ayman Al-Dawaahir  ayaa wuxuu ka hadlay  dilalkii dalka Jazaa’ir loogu geystay culimadii waaweynad ayna u geysteen kooxdii Jamaacal  Islaamiya isagoo xusay dilkii Shiikh Muxammad Siciid iyo Cabdur-Razaaq Al-Rajjaam.

Hogaamiyaha Al-Qaacida ayaan wili ka hadlin Daacishta Soomaaliya ee Al-Shabaab gaar ahaan hogaanka Axmed Godane iyo dhibaatada uu ka geystay gudaha Soomaaliya haday ahaan lahay qarax lagu laayo dad rayid ah iyo dilka uu u geystay rag badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab ,Muhaajirii dalka Soomaaliya  ku sugnaa una yimid in ay garabsiiyaan Al-Shabaab iyo Culumadii Soomaaliyeed .

In badan ayaa qoraalo iyo Risaalooyin kala duwan ay u direen rag madax ka ahaa Al-Shabaab madaxa Al-Qaaida iyaga oo ka cabanaya dilalka iyo xabsiyada qarsoon ee Axmed Godane waxaana ka mid ahaa raga risaalooyinkaas qoray allaha u naxariistee Sheekh Ibrahim Afgaan ,Abu Zubeyr Al-Muhaajir,Abu YaasirAl-Muqdishi ,Abuu Mansuur Al-Amriki iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kuligood ka qeyliyey inxiraafka hogaanka Al-Shabaab. Halkan ka Akhriso Ibraahim Afgaani oo risaalo u diray Ayman Dawaahiri.  Halkan ka Akhriso Abu Zubeyr Al-Muhaajir oo hadlaya mushkilada Godane 

Halkan ka Akhriso Abu Yaasir Al-Muqdishi oo baaq u diray Al-Qacida kana hadlaya rag la laayey.

Kooxda Daacish ee dhibaatada badan ka geystay dalka Suuriya ayaa waxay horey talooyin kala duwan u jeedshay wadaado badan oo la dhacsanaa fikirka Al-Qacida waxaana wadaadaas ka mid ah Sh Abu Maxamed Al-Maqdasi,Sh Abu Qataada Al-Fastiini ,Sheekh Cabdalla Al-Muxeysini iyo wiliba hogaamiyaha Al-Qaacida balse talooyinkaas oo dhan wey diideen waxayna qoreen risaalooyin ay ku radinayaan Dr.Ayman Dawaahiri. Abu Maxamed Maqdasi iyo Abu Qataada Al-Falastiini.Halkan ka Akhriso Daacish oo diiday talooyinka culumada

Abu Yaasir Al-Muqdishi oo ka mid ahaa Al-Shabaab culumadooda kana cararay seefta Godane ayaa waxaa daaha uu ka feyday raga sida tooska ah ugu lug leh dilka Ibraahim Afgaani iyo Macalin Burhaan waxaana ka mid ah:-

1. Axmed Cabdi Godane hogaamiyaha  ururka Al-shabaab

2. Mahad Warsame qalay oo loo yaqaan Mahad Karatey ama Mahad Odawaa

3. Maxamed Cabdullaahi Xiiray Abu Cabdalla oo ah waaliga gobolka Sh Hoose

4. Daahir Gacamay loona yaqaan Cabdull Xaq waa Qaadiga guud ururka Al-shabaab

5. Guure Axmed Joofaqlay

6. Cabdicasiis Maxamed  Cadde Abu Muscab oo ah afhayeenka dhinac howlgalada Al-shabaab

7. Xassan Afgooye

8. Cali Maxamed Xuseen Cali Jabal

9. Ahmed abdiqaadir Cabdulaahi oo loo yaqaano Sahal isku dhuuq ama Camuu.[ waa dilay diyaarad mareykan ah ]

10.Maxamed Maxamuud Jaamac (MMJ) loona yaqaano  Suldaan

11. Axmed Diiriye Cumar Cabdikariim

12. Kamiin  iyo rag kale oo fara badan.

Halkan ka Dhageyso Abu Yaasir oo ka hadlay raga ka danbeeyey dilka Ibraahim Afgani iyo Macalin Burhaan.

Haddaba Su,aasha is weydiin leh waxay tahay Muslimiinta Shaam iyo Culumadeeda miyaa ka fadli badan kuwa dalka Soomaaliya ? Dhiiga shacabka Muslinka ah ee Suuriya iyo Culumadooda maxaa qaali ka dhigay oo ay Al-Qaacida uga qeylisay ilaa ay kooxda Daacish iska fogeysay !Maxaa dhiiga Ragii ka tirsanaa ururka Al-Shabaab fikirka Al-Qacidana odayaasha u ahaa keenayna Soomaaliya dhiigooda biyo ka dhigay oo uu Dr Ayman uga Aamusay ?

Maxay Al-Qaacida uga jawaabi weyday Cabashada Ibraahim Afgaan, Macalin Burhaan,Abu Mansuur Al-Amriki,Abu Zubeyr Muhaajir oo ahaa Qaaligi u sareeyey Maxkamada Al-Shabaab? Madaxda Al-Qaacida Maxay uga hadli weyday Qaraxyada lagu gumaaday shacabka Soomaaliyeed sida kii Hargaha iyo Saamaha  iyo Shaamow. ?Mise Soomaalidu waa Cajam Reer Shaamna waa carab ?

Hogaanka Al-Qacida waa ku saxsanaa in uu dhex galo kooxaha Islaamiyiniita ee ku dagaalamay dalka Suuriya si uu u kala badbaadiyo dhiigooda waana arin waajib ku ah qof kasta oo Muslin ah.Al-Qaacida waxay in badan uga qeylisay muskilada Suuriya ayna indhaha uga laabatay Soomaaliya ma aysan cadeyn .Ma waxay raali ka tagay dilalka ay Al-Shabaab wadaan mise Al-Shabaab baan Al-Qaacida ka tirsaneyn ?

Hoos ka Dhagayso codkii Hogaamiyaha Al-qaacid uu uga hadlay dilkii Sh.Abuu Khaalid Al-Suuri iyo Xaalada Suuriya

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/w9flz3rm7p/Dr_Ayman.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3

W/Q CabdiCasiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online