Abu-Yasir Al-Muqdishi oo sheegay magacyadda raggii dilay Ibraahim Afgaan iyo Macalin Burhaan.[Dhagayso]

October 18, 2013 - Written by Editor

voaMuqdisho:-Waxaa  mar kale Abu-Yaasir Al-Muqdishi oo ka mid ah culimada ama hogaanka ururka Al-shabaab uu si rasmi ah u shaaciyey raggii qorsheeyey ama fuliyey dilkii lagula kacay Ibraahim Xaaji Miicaad Ibraahim Afgaani  [Abu Bakar Al-Zaylici] iyo Cabdixamiid Xaashi Col Haye oo loo yaqaanay  Macalin Burhaan.

Ibraahim Xaaji Miicaad Ibrahim Afgaan iyo Macalin Burhaan ayaa waxaa ay ahaayeen ragga ubad dhexaadka ah u ahaa ururka Al-shabaab ee Degmada Baraawe ku khaarajiyeen Amniyaadka Ururka Al-Shabaab ee ka amar qaata Axmed Cabdi Godane.

Abuu-Yaasir Al-Muqdishi ayaa horay uga hadlay qaabkii loo dilay  Ibraahim Xaaji Miicaad Ibrahim Afgaani iyo Macalin Burhaan , balse markaan waxaa uu magacaabay rag uu sheegay in ay masuul ka ahaayeen dilka isagoo  xusay in maalin maalmaha ka mid ah la qisaasi doono xag aduun ama Aakhiro.

Hoos ka Akhriso magacyada ragga uu  Abu-Yasir Al-Muqdishi uu sheegay in ay dileen Ibraahim afgaani iyo Macalin Burhaan

1. Axmed Cabdi Godane hogaamiyaha  ururka Al-shabaab
2. Mahad Warsame qalay oo loo yaqaan Mahad Karatey ama Mahad Odawaa
3. Maxamed Cabdullaahi Xiiray Abu Cabdalla oo ah waaliga gobolka Sh Hoose
4. Daahir Gacamay loona yaqaan Cabdull Xaq waa Qaadiga guud ururka Al-shabaab
5. Guure Axmed Joofaqlay
6. Cabdicasiis Maxamed  Cadde Abu Muscab oo ah afhayeenka dhinac howlgalada Al-shabaab
7. Xassan Afgooye
8. Cali Maxamed Xuseen Cali Jabal
9. Ahmed abdiqaadir Cabdulaahi oo loo yaqaano Sahal isku dhuuq ama Camuu
10.Maxamed Maxamuud Jaamac (MMJ) loona yaqaano  Suldaan
11. Axmed Diiriye Cumar Cabdikariim
12. Kamiin  iyo rag kale oo fara badan

Abu-Yasir Al-Muqdishi ayaa waxaa uu horay u sheegay in hogaanka ururka Al-shabaab ay  dileen culimadii lagu dilay Boosaaso iyo Garoowe oo ay ugu horeeyaan allaha u naxaristee Sh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyo Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax.

Halkan ka Dhagayso Abu-yasir-al-maqdassi-al-shabaab-baa-dilay-sh-dr-axmed-xaaji-craxmaan-iyo-sh-cqaadir-nuur-faarax-dhagayso

Abu-Yasir Al-Muqdishi oo ilaa 4 xalqo uga hadlay taariikhdii Ibraahim Afgaan laguna faafiyey Mareegta Rasminews ayaa waxaa uu ka sheekeeyey wada shaqayntii dhex martay hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo Ibraahim Afgaani iyo wixii dhexmaray.

Hoos ka Dhagayso Abu-Yasir Al-Muqdishi oo sheegaya magacyada raggii dilay Ibraahim Afgan iyo Macalin Burhaan.

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/2sv2vmybco/gacankudhiiglayaal.mp3] ama Halkaan ka dhagayso  [Source:Rasminews]

Halkaan ka Dhagayso kalimada 4aad ee Abu-Yasir Al-Muqdishi ee lagu faafiyey Rasminews oo dhamaystiran

 C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online