Bayaan ka soo baxay Golaha Shuurada Ee Majliska Al-Bayaan (Akhriso)
April 21, 2014 - Written by EditorJohannesburg:-Waxaa maanta oo ah maalin Isniin ah bishana ay tahay 21/04/2014, 10kii aroornimo ku qabtay shir jaraa,id xarunta albayaan ee Johannesburg gudiga fulinta ee majliska albayaan, ayagoo sheegay in shirkii socday labada maalin ee sabtiga iyo axada 19-20 april la soo gabagabeeyay, waxayna halkaa saxaafada uga aqriyeen bayaankii ay soo saareen golaha shuurada ee albayaan.
Bayaankii ka soo Baxay Shirkii Golaha Shuurada ee Majliska Al-Bayaan 2014/2015
Shir ay isugu yimaadeen Golaha Shuurada ,Golaha Dacwada Albayaan ee Koonfur Afrika taariikhdu markay ahayd 19-20 April 2014 magaalada Johannesburg oo ah xarunta Hay’adda. ujeeddaduna waxay ahayd qiimaynta qorshayaashii dacwada ee sannadkii 2013 wixii fulay iyo jaangooynta qorshayaasha dacwada ee sannadka 2014/2015.
Falanqayn ka dib, waxaa shirkan ka soo baxay qodobaan Hoose.
1. Horumarinta dacwada, tacliinta, iyo ducaaddaba
2. Horumarinta maraakista iyo dhamaystirka markaska Rustenburg
3. Qabashada Tartankii Quraanka kariimka Labaad lana qabanayo bisha Ramadaan
4. Waxaa la diyaariyay guddiga mu’tamarka sanadlaha ahaa ee sannadkan 2014/2015
5. In la diyaariyo tababaro la siiyo hawl wadeenada dacwada ee golaha albayaan.
Dardaaran.
Goluhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee koonfur Afrika u dardaarmayaa
1. Alle ka cabsi
2. Tawbad keen
3. Midnimo iyo
4. Iskaashi
Majlis Al-Bayaan
Halgan.net