Ciidanka Puntland oo howl galo ka wada magaalooyinka waaweyn.[Dhagayso]

April 30, 2014 - Written by Editor

JaqanafGaroowe:-Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa sheegay in ciidanka amniga dowladda Puntland ay howl galo ka wadaan magaalooyinka kale duwan ee Puntland si loo sugo amaanka loogana hortago weeraro la sheegayo in ay doonayaa Al-shabaab in ay ka fuliyaan Puntland.

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa waxaa uu xusay in howl galo ay ciidanka sameeyeen lagu ogaaday wax badan dad badan oo la qabtayna ay ku cadaadeen in ay gacanta kula jieen falal lid ku ah amaanka Puntland halka qaar kale weli ay ku socdaan baaritaano.

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa xalay ku sugnaa magalada Qardho  isagoo isla maanta tegay degmada Carmo ee gobolka bari si taliyaasha ciidanku isku dhaafsadaan warbixino si isku duuban looga hortago cid walba oo doonayso in ay khalkhal ku abuurto amniga iyo nabadgelayad Puntland.

Waraysiga uu bixiyey Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili shalay ciidanka Booliska Boosaaso ay soo bandhigeen xubno ka mid ah ururka Al-shabaab oo qarax miino oo ay ku weerari lahaayeen ciidanka amniga Boosaaso uu ka fashilmay ka dibna ay ciidanku soo qabteen.

Hoos ka Dhagayso waraysiga Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/fpzmt96y3b/Jaqanaf.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online