Culimo iyo Ducaad aan Bartay Qeybtii 2aad W/Q Sh.Mohamed Idirs Ahmed

April 2, 2014 - Written by Editor

ibnubaz“Ilaahay waxaan ugu mahadinayaa nolosha intuu isiiyey, ilaa yaraantii anoo 19 jir ah, markaan bilaabay inaan wadada dheer ee dacwada aan qaado, inuu Eebe iigu deeqay barashada iyo wax ka barashada Culimo iyo Ducaad waaweyn ee casrigan noolaa, qaarkoodna saaxiib noqonay, qaarkoodna wada shaqaynay, qaar Ilaahay oofsaday iyo qaar weli nool, Ilaahay dhamaantood Jannadiisa hannagu kulmiyo, wax badanna aan dhamaantood ka faa’iidey, waxaan is iri Kelmad kastoo la qoraa wey hartaaye, bal facyaalka jooga iyo kuwa soo socda, wax uun uga sheeg, socdaalkaas dacwada dhinac ka mid ah, in wax laga faa’iido ayaa dhici karta, qoraalkana uma eegin xag Da’ iyo Aqoon, ee hadba sidii suura gasha weeye, Ilaahay ha iigu kaalmeeyo, ajarna Ilaahay igama qadiyo, walaalkii akhrista ee ka faa’iidaana ha ii soo duceeyo.”

SH. CABDULCASIIS BIN BAAZ (1910-1999)

Waxaa ka mid ah Culimadaas sida weyn noloshayda u saamaysay wax badanna aan ka bartay, Sheekhii Muslimiinta oo dhan Qarnigaan, oo aan Filayo inaan mid la mid ah zamankan la arag, Sh CabdulCasiis Bin Cabdalla Ibnu Baaz Raximahullaah.. Waxaan Rabbigay u qirayaa Nicma aanu dad badan siin inuu i siiyey, Markuu ii yassiray inaan waqti badan hor fariisto, wax ka dhegeysto, ka ag dhowaado Calam adduunka magiciisu buuxiyey sida Sh. Bin Baaz, Allaha u Naxariistee..

Waxaan Siiradiisa oo Kooban Sheekha ka qoray kitaab dhan oo luqada Carabiga ku qoran, oo beri hore la daabacay, laakiinse Afka Soomaaliga wax kagama Qorin..sidaas ayaan filayaa iney munaasib u tahay inaan asxaabta iyo akhristayaasha xoogaa afka Soomaaliga ugu soo koobo.

Dhalashada

Sheekhu wuxuu ku dhashay Magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga qiyaastii 1910, wuxuuna ku abtirsadaa qabiila caraba oo asal ahaan Madiina kasoo jeedda. Aabihiis wuxuu dhintay isagoo yar, sidaa darteed ayuu agoonimo kusoo koray, hooyadiis ayaana gacanta ku qabatay.. wuxuu Qur’aanka xifdiyey isagoon weli qaan gaarin, wuxuuna cilmiga ka dhegeystey Culimadii reer Riyadh ee waqtigaas.. Wuxuuse aad u Laasimey oo Sheekhiisa 1aad ahaa, Muftigii hore ee Sucuudiga, Sheekh Muxammad Bin Ibraahiim Aala-Sheeikh, kaasoo uu sannada badan hoos fadhiyey, ardaydiisa ugu dhowna ka mid noqday.. Waxaan mar iyo laba ka badan arkay Sh. Bin Baaz oo markuu Sheekhiisa Muxammad Bin Ibrahim xusuusto ooya, Ilaahay dhamaan ha u naxariisto..

Sheekhu wuxuu argga beelay markuu 18 sano jirey sida uu isagu sheegay, shaqadii u horraysey ee uu qabtaana wexey ahayd in QAADI looga dhigay magaalada KHARAJ oo Riyaad ku dhow, markii Sheekhiisu soo rashaxay.. Muddo toban sano ku dhow ayuu sheekhu shaqada Qaadinimada ka hayey magaaladaas, wuxuuna ku dhinac wadey duruusta iyo dacwada oo arday badan ayaa u xeraysan jirtey…kana aflaxdey.. wuxuu sheekhu fariisan jirey Masjidka Jaamacaa oo dadka ku kala xukumi jirey sharciga Ilaahay. Markii laga soo bedeley magaalada Kharaj toban sano ka dib, waxaa isu soo baxay magaaladii oo dhan wexeyna wafdi u direen boqorka wadanka iyagoo dalbanaya inaan laga beddelin Sheekh Ibnu Baaz sidey u jeclaayeen, sidaa darteed muddo ayaa lagu daayey, kadibna waa lasoo bedeley..

SHAQOOYINKA

Sheekhu Hawlaha rasmigaa ee uu qabtay wexey ahaayeen 4 qaybood ama marxalo.. Midda 1aad wuxuu ahaa Qaadiga Kharaj.. Marxalada 2aad waxaa laga dhigay Macallin markii la furay Kulliyadii Shareecada ee Riyadh.. Marxalada 3aad ee ugu Qaalisanayd wuxuu noqday Madaxa (Madax ku xigeenka) Jaamacadda Islaamka ee Maddiina, Marxalada 4aad ee ugu Dheerayd ugu shaqa ballaarnayd wuxuu noqday Madaxa Iftaha & Dacwada iyo Muftiga Waddanka ilaa uu ka geeriyoodo Raximahullaah..

AKHLAAQDA

Sh. Ibnu Baaz Raximahullaah wuxuu ahaa nin Ilaahay Akhlaaq wanaag ku abuuray, ma xanaaqo, ma qayliyo, cid ma canaanto, waji ma xumeeyo, dadka waaweyn iyo kuwa yar yar isku si ayuu u ixtiraamaa, wiil yar oo dugsiga dhexe ah ayaa u yimi oo wax weydiiyey, wuu uga jawaabey, wuu waraystay, markuu damcay inuu boxo ayuu yiri: biximeysid waad nala qadayneysaa! shaqaduu iska watey, markii salaadda duhur la gaarey ayuu yiri: hebel aaway? wiilkii: gacanta ayuu qabsaday isagoo si saaxiibtinimo ku jirto wax u warsanaya ilaa ay masjidka ka galaan.. Wuxuu la kaftami jirey dadka faqiirka iyo kuwa kaleba.. Nin hindiya oo majliskiisa fadhiya oo la yiraahdo: Abulkalaam! ayuu ku yiri: Reerkaagu Abulkalaam mexey kuugu bixiyeen!! ninka hindigaana qosol ayuu la dhacayaa! wiil yaroo Soomaaliya ayaa u tegey isagoo ka raba tazkiya inuu ugu qoro Jaamacadda Islaamka Madiina, markuu soo ag fariistay ayuu yarkii haybadda hadli kari waayey, inta sheekhu garabka ka taabtay ayuu yiri: Ha biqin maandhow.. ma jirtaa cid ku taqaanna? wuxuu yiri: haa Sh hebel iyo Sh Hebel, wuxuu ku yiri: Waa la yaqaan, wuxuu u yeeray ninkii wax u qori jirey, wuxuuna u qoray warqad tazkiya ah, ka dibna wuxuu ku yiri: waad nala qadayneysaa ha bixin, meeshu waa Taa’if wiilkuna Jidda ayuu ka yimi, gaari raacna wuu u amray..

Lama sheegin Ibnu Baaz oo ay afkiisa kasoo baxday kelmad kulul ama qof dhaaweceysa, wuxuu ahaa qof qalbiga iyo carrabkaba nadiif ka ah, Ilaahay wuxuu hiba u siiyey qofkii arkaa inuu jeclaado.. Isagoon marna Xagga ka gabban, wixii qaladana tilmaamaya, ayuusan haddana qof shakhsi ahaantiisa u durin, balse marka uu war ku celinayo wuu u duceeyaa..

la soco qayb 2aad…….

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online