Culimo iyo Ducaad aan Bartay Qeyntii 1aad W/Q Sheekh Mohamed Idirs Ahmed

April 2, 2014 - Written by Editor

shxasan“Ilaahay waxaan ugu mahadinayaa nolosha intuu isiiyey, ilaa yaraantii anoo 19 jir ah, markaan bilaabay inaan wadada dheer ee dacwada aan qaado, inuu Eebe iigu deeqay barashada iyo wax ka barashada Culimo iyo Ducaad waaweyn ee casrigan noolaa, qaarkoodna saaxiib noqonay, qaarkoodna wada shaqaynay, qaar Ilaahay oofsaday iyo qaar weli nool, Ilaahay dhamaantood Jannadiisa hannagu kulmiyo, wax badanna aan dhamaantood ka faa’iidey, waxaan is iri Kelmad kastoo la qoraa wey hartaaye, bal facyaalka jooga iyo kuwa soo socda, wax uun uga sheeg, socdaalkaas dacwada dhinac ka mid ah, in wax laga faa’iido ayaa dhici karta, qoraalkana uma eegin xag Da’ iyo Aqoon, ee hadba sidii suura gasha weeye, Ilaahay ha iigu kaalmeeyo, ajarna Ilaahay igama qadiyo, walaalkii akhrista ee ka faa’iidaana ha ii soo duceeyo.”

Sheekh Xassan Muxammad Ayyuub (Geeri 2008)

Waxaa ka mid ah Culimada aan bartay oo wax ka bartay kuwa noloshayda ugu saamayn badnaa, Sheekh Xassan Muxamad Ayub – Allaha U Naxariistee -. Sh. Xassan Ayuub Wuxuu ahaa Daaci Misriya oo Culimadii Azhar ka mid ah, wuxuu ku dhashay Gobolka Munuufiya ee Masar 1918, wuxuu ka baxay Kulliyadda Usuuluddiin ee Azhar, wuxuu noqday khadiib iyo Daaci.. Wuxuu ka mid ahaa ducaaddii iyo Culimadii Ikhwaanka ee Dawladdii Jamaal Cabdinasir xabsiyada ku gurtay ee cadaadiska badan lagu saaray, wuxuuna xabsiyadaa dulmigaa ku jirey muddo 20 sano ku dhow.. Sheekhu markii uu xabsiga kasoo baxay wuxuu u dhoofay dalka Kuwait, halkaasoo uu imaam iyo Daaci ka noqday, arday badanina kaga aflaxdey, oo uu ka mid yahay Daaciga Kuweytigaa ee Macruufkaa Sheekh Axmad Al Qaddaan..wuxuuna sheekho halkaa ku duubay cajalado fara badan, wuxuuna ku alifey kutub badan, oo uu ka mid ahaa: (Risaalatul Masjid).. Wuxuu kaloo ku asaasay guddiyo ka shaqeeya camalka khayrka iyo kaalmada dadka dhibaataysan ama baahan..

Sheekha oo ku caan baxay geesinimo, codkarnimo, iyo Minbarku inuu gariiro, marka uu khudbaynayo, Kuwait waa laga soo bixiyey, markii maamulku xammili waayey Sheekha Khudbadihiisa Kul kulul, Dabadeedna wuxuu yimi dalka Sucuudiga Bartamihii Todobaatameedyadii 1975-76.. Wuxuuna Macalin ka Noqday Jaamacadda Malik Cabdulcasiis ee Jiddah ku taal. Isla markaana muddo ka dib waxaa sheekha loo ogolaaday inuu ka khudbeeyo Masjidka Jaamacadda oo ahaa Masjid yar oo Jaamacadda Dhexdeeda ku yaal, sid ukunta oo kalena u dhisan..

Anigu waxaan soo gaarey dalka Sucuudiga Feb 7, 1977.. Mudda yar ka dib waxaa shirkadii aan ka shaqaynayey ii bedeshey gobolka bariga Sucuudiga (Dahraan). Waxaan Jiddah Kusoo noqday 1978.. Waqtigaas ayaan ku xirmay oo Bartay Sheekhayga Sheekh Xassan Ayuub Raximahullaah.. Waxaan si toos ah u hoos fadhiyey duruustiisa iyo xalqadihiisa oo aan waxba i dhaafin ilaa 1982.. Intii ka dambeysey oo aan u guurey Magaalada Barakaysan ee Makka, waxaan ula socdey si goos goos ah, markuu cashara leeyahay, waqtigaa ka dibna khudbaddii jimcaha waa laga joojiyey, wuxuuna ku ururay oo duruus oo ka akhriyo Machadka Ducaadda lagu diyaariyo ee Raabidada Caalamaka Islaamka, Makkah, oo maalma kooban ahaa..Marka hore waxaan kusoo xirmay Khudbadiisa Jimcaha ee Masjidka Jaamacadda oo aan marna i dhaafi jirin.. Ka dibna waxaan ka mid ahaa koox ardaya oo ka dalbatay Sheekha inuu Duruus Cilmiya u bilaabo..

Muuqaalkiisa:

Sh. Xassan Ayyuub Raximahullaah wuxuu ahaa nin xoog leh, jirkiisu buuxo, aad u cad, wajigiisa aad mooddo inuu iftiimayo, timihiisa oo dhan cadyihiin sida garka, shaarubaha, sunniyaha, wuxuu lahaa gar weyn oo haaneeda oo cad..Joogiisu wuxuu ahaa nin dhexaad. Wuxuu xidhan jirey dharka cad, wey yartahay intaan sanadahaas badan ku arkay dhar aan caddayn..Waxaa wajigiisa ka muuqan jirey iftiin ku tusaya inuu ahaa caabid ilaahay u cibaadaysta Raximahullaah..

Khudbadda Jimcaha

Sheekh Xassan Ayyuub Raximahullaah waxaan dhihi karaa wuxuu ahaa Libaaxa Minbarka, khudbadda Jimcaha ee uu jeedin jirey sannada badan ayey wexey ahayd khudbadda ugu caansan, uguna dad badan magaalada Jiddah.. Waxaan nasiib u yeeshay inaan ka mid noqdo ardaydiisa Minbarka hoos fariisata, waxaan masjidka tegi jirey 10 am subaxnimo. Markii hore sheekhu wuxuu ka khudbayn jirey Masjidka Jaamacadda, markuu dadkii qaadi waayey ayaa waxaa la furay kulliyadda ku dheggan fasaladeeda.. Markey qaadi weysey ayaa waxaa Masjid weyn ka dhisay xaafadda khaalidiya ee Jiddah nin maalqabeen ah oo la yiraahdo Maxamed Cubuud Al Camuudi.. Halkaas ayaa loo guurey ilaa 1982 oo sheekha khudbadihii laga joojiyey halkaas ayey ka socotey..Aniga waqtigaas fog isu diyaarinayey kuna hamminayey inaan mustaqbalka daaci noqdo, wuxuu igu yeeshay saamayn weyn xagga gudbinta dacwadda iyo qaabka khudbadda loo akhriyo Ilaahay ha u naxariisto.. Khudbaddiisu wexey ahayd mid kulul oo xaraarad leh, warqadna weligiis kama akhriyin, dadkuna meel kale uma jeesan jirin marka uu khudbaynayo..

Sheekhu Masjidka Jaamacadda wuxuu noogu akhriyey Tafsiirka qur’aanka, Fiqhiga, Usuulu Fiqhiga, iyo Xadiiska..Wuxuu Khudbadda Jimcaha ka hor akhrinjirey Tafsiirka Qur’aanka, waxaan weli maskaxdayda ka bixin tafsiirkii gaarka ahaa ee Suuratu Daaha uu naga siiyey, Ilaa maalinkaasna aan Suuraddaa si gaara u jeclaaday ka dibna wax ka qoray.. Waxaanan kaloo hilmaami karin Afar Muxaadaro oo sheekhu noogu kala dhig dhigay Suuratu Yuusuf oo socdaalkayga dacwo saamayn weyn ku yeelatay..

Ilaahay Waxaan uga baryey Sh. Xassan Ayuub oo markii dambe u guurey Masar kuna geeriyoodey 2008, inuu janaatul Firdoos geeyo, intaanu ka baranay oo ka faa’iidneyna Ilaahay abaalkeeda jannada ku siiyo, annagana aanu gadaashiis na fidnayn, aamiin..

Mohamed  Idirs Ahmed

Co-Founder & Public Relations Coordinator, North American Council of Somali Imams
Website: idiriis.com
Twitter:@muxamedidiris

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online