Dad haraad ugu dhintay goballada Soomaaliya (Dhageyso)
April 26, 2014 - Written by EditorGalgaduud:-Meelo ka mid ah gobolka Gedo, gobollada Hiiraan, Galguduud iyo Puntland iyo Somaliland waxaa laga soo sheegay in lagu qabtay isu-soo baxyo duco iyo Alla bari roobdoon ah kaddib markii jiilaalkii dheeraaday oo biyo yaraan xoog leh ay dhacday.
Deegaannada qaar waxaa laga soo sheegay in dad harraad u dhintay ay jiraan. Waxaa ka mid ah degaanno ka tirsan gobolka Galguduud.
Mohamed Adan Rooble oo ka mid ah odayaasha Guri-ceel ayaa BBC uga warramay dadaal dadka dhibaateysan loogu gurmanayo.
Khadka telefoonka waxaa kula hadlay Farxaan Maxamed Jimcaale oo weydiiyay xaaladda biyo la’aanta sida ay hadda tahay.
BBC Somalia