Jamaacadda Imam oo u sameeyay qoysas danyar ah daaweyn lacag la’aan ah (Masawiro)
April 30, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Kuliyadda culuumta caafimaadka ee Jaamacadda IMAAM ayaa u sameeysay baaris & daweyn lacag la’aan ah dadka danyarta & barakacaaysha ku dhaqan magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan.
Mashruucan oo socday muddo saddex maalin ah, waxaa ka qeyb qaatay dhaqaatiirta & ardayda kalkaaliyaasha ah ee jaamacadda, waxaana mudadii uu socday mashruucan ka faaideystay bukaan gaaraya 150 qof oo isugu jiray hooyooyin , caruur & dad waayeel ah .
Gebogebadii baaritaanka & Xaflada waxaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Shaafici C/casiis Xaaji Dhafe oo sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay mashaariic dhowr ah oo ay jaamacaddu ugu talo gashay adeegga bulshada & ka qeybqaadashada kaalmada bulshada danyarta ah ee ku dhaqan Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in jaamacaddu ay bixisay dhammaan qarashkii ku baxay hirgelinta mashruucan , sidoo kale wuxuu u mahadceliyay hayadda caalamiga ah ee Patient help Fund oo fadhigeedu yahay dalka Kuweyt oo dhawaan jaamacadda ugu deeqday qalab caafimaad , qalabkaas oo wax weyn ku soo kordhiyay kuliyadda culuumta caafiimaadka ee jaamacadda.
no images were found
Dadkii ka faaideystay mashruucan ayaa u mahadceliyay jaamacadda IMAM dadaalkeeda ku aadan taakuleynta dadka danyarta ah & barakacayaasha .
Halgan.net
Muqdisho