Kulan cilmiyeed ka furmay Masjidka Al-hudaa ee magaalada Garowe.[Masawiro]

April 6, 2014 - Written by Editor

DSC04663Garoowe:-Kulan cilmiyeed ayaa maanta waxaa uu ka furmay magaalo madaxda Puntland ee Garowe, taariikhduna ay ku beegantahay 05/04/2014 maalinnimo sabti ah , waxaana soo qabanqaabisay mu’asasada al Minhaaj faraceeda Garowe.

Kulanku wuxuu ka dhacay hoolka masjidka Al-huda, waxaana lagu qaatay tababar loo qabtay ardeyda dugsiyada sare ee ku yaalla magaalada Garowe gaar ahaan Al waxa, Gambool ,Nugaal iyo Nawawi, waxaana looga hadlayey kulankan siraha Guusha (tabaha guusha).

Kulankan waxaa tababare ka ahaa ustaad C/fataax Maxamuud Ducaale (Cajab) oo ah tababaro horay ugu soo qabtay wadanka gudihiisa iyo dibaddiisa, wuxuu waxbarashadiisa Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ku qaatay magaalada Qardho, wuxuu tababaruhu ku soo qaatay Degree jaamacad ku taalla Masar wuxuuna kaga soo takhasusay beeraha, wuxuu kaloo haystaa tababaruhu saddex Diploma oo ah kobcinta awoodaha bini’aadmiga, wuxuu kaloo haystaa 16 shahaado caalami ah oo ku saabsan ( TOT) TEACHER OF TRAINING , waana khabiir Soomaaliyeed.

Magaalada Garowe waxay nasiib u yeelatay in ay noqoto goobtii afaraad ee uu ka dhaco kulan cilmiyeedkan, horay kulankan oo kale wuxuu ka dhacay magaalooyin ka tirsan wadanka gudihiisa sida: Hargaysa ,iyo Qardho iyo magaalada Bosaso, iyo kuwa kale uu ka baxsan wadanka gudihiisa sida: Qaahira.

no images were found

Tababaraha kulan cilmiyeedkan waa qoraa soomaaliyeed oo qoray buugaag kala duwan oo soomaali ah kuwaasoo bandhigoodu noqon doono mid la filayo in ay dhacaan, buugtuu qoray tababarahani waxaa kamid ah:-

1. Astaamaha qofka hanka sare leh.
2. Astaamaha macallinka fiican
3: Barbaarinta caruurta
4. Sida loo daaweeyo tarbiyad xumada caruurta
5. Sidee ilmeheenna akhriska u jeclaysiinna.

Kulankan wuxuu noqondoonaa hadduu alle idmo mid taxane ah, wuxuuna socon doonaa 2 (labo isbuuc), waxaana loo qaban doonaa bulshada qaybaheeda kala duwan sida:-

1. Ardeyda
2. Maamulayaasha
3. Saxafiyiinta
4. Odayaal dhaqameedka.
5. Booliska
6. Ganacsatada
Waxaana sugaynaa kulanka labaad Ee bari Dhici doona Hadii Allah Idmo

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online