Labo shaqaale oo ka tirsan hay’adda UNODC oo lagu dilay Garoonka diyaaraha ee magaalada Gaalkacyo

April 7, 2014 - Written by Editor

GaalkacyoGaalkacyo:-Labo ka mid ah shaqaalaha hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka daroogada iyo dambiyada ee loo soo gaabiyo UNODC ayaa maanta lagu dilay gudaha garoonka diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo Cabdi Siciid Dhaga-weyne oo goordhaw la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey dilka labo sarkaal oo ka tirsan hay’adda UNODC waxaana uu sheegay in dilka uu geystay askari ka tirsan ilaalada garoonka Diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo

Cabdi Siciid Dhaga-weyne Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo ayaa sheegay in labada sarkaal ee la dilay ay ku sii jeedeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana uu intaas ku daray in ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkayo ay gacanta ku hayaan askarigii dilka gaystay.

Ilaa haatan lama oga sababta uu askariga ka tirsan ciidanka Puntland u dilay labada sarkaal ee u shaqeynayey hay’adda UNODC

Wixii Faahfaahin ah ee soo kordha kala soco Halgan.net

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online