Madaxwayne Puntland oo guddi u saaray 2 Sarkaal ee Gaalkacyo lagu dilay

April 8, 2014 - Written by Editor

Rw-GaasGaalkacyo:-Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ayaa saaka waxaa uu tegay Garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf ee Magaalada Gaalkacyo si uu uga qayb qaato munaasabad lagu qaadayey meydkii  labo sarkaal oo shalay lagu dilay garoon ka diyaaradaha ee Gaalakacyo.

Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yusuf ee Magaalada Gaalkacyo  ayaa waxaa saaka ka soo degay diyaarada khaas ah oo  ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Xafiiska UNSOM si loo qaado meydka Saraakiisha shalay la dilay iyadoo aad loo adkeeyey amaanka garoonka.

Garoonka diyaaradaha C/llaah Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ayaa xiliga la qaadayey meydka saraakiisha la diliay waxaa ku sugnaa garoonka Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ,Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Waxbarashada, Xildhibaano iyo Masuuliyiinta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa u saaray in ay baaraan sababta loo dilay shalay saraakiisha u shaqaynayey UNODC  gudi heer wasiiro ah si loo ogaado xaqiiqda dhabta ah waxaan gudigaas ka mid ahaa  Wasiirka Amniga Puntland,Wasiirka waxbarshada, taliyaha Ciidanka Booliska Puntland iyo taliyaha Ciidamada PIS-ta.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online