Madaxweynaha dowlada Puntland oo gaaray Burtinle kuna sii jeeda magaalada Gaalkacyo

April 6, 2014 - Written by Editor

Rw-GaasBurtinle:-Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka socdaal kormeer ah wuxuu ugu ambabaxay gobalka Mudug waxaana madaxweynaha uu ku sii hakaday Degmada Burtinle wuxuuna halkaas ku soo dhaweeyey bulshada kala duwan ee Degmada Burtinle.

Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa waxaa uu sidoo kale uu la kulmay waxgaradka Degmada Burtinle ee gobalka Mudug waxaana ay ka wada hadleen horumarka Degmada Burtinle iyo amaanka guud ee gobalka Mudug.

Dr.Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu booqday xarumaha dowlada sida xarumaha ciidanka Daraawiishta,kuwa Booliska waxaana sidoo kale uu Madaxweyne Gaas uu booqday xarumaha waxbarashada iyo xarumaha Caafimaadka Burtinle.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ayaa ku hoyan doona caawa Degmada Burtinle ee gobalka Mudug waxaana uu maalinta birito ah  uu Madaxweyne Gaas la filayaa in uu gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Dhanka kale amaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana gaaray ciidamo tiro badan oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo kuwa PIS-ta waxay baro ciidan ka sameysteen gudaha magaalada Gaalkacyo.

Dadweynaha ku dhaqan gobalka Mudug ayaa aad u sugaya waxqabadka ay la timaado dowlada uu madaxweynaha u yahay Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyaga oo ka cabanaya waxqabad la,aan dhan walba ah

M_M Deeq

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online