Madaxweynaha Puntland Cabdiwel Gaas oo booqday xarumo Maamulka magaalada Gaalkacyo (Masawiro)
April 11, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golayaasha Dawladda waxay sidoo kale kormeereen meelo badan oo xarumaha Dawladda ah,kuwaasi oo kala ahaa xabsiga -weyn ee Galkacyo, saldhiga qaybta,saldhiga bartamaha, saldhiga miyir , xerada tangiyada ee siinaay iyo
meelo kale oo muhiim ah.
Wuxuuna warbixino ka dhagaystay masuuliyiinta xarumaha Dawladda ee uu Madaxweynuhu booqday iyagoo usoo gudbiyay xogo kala duwan oo ku
saabsanaa qaabka ay u shaqeeyaan iyo baahiyaha ka taagan xarumaha Dawladda ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay ciidankii uu ugu tagay xarumaha Dawladda , isagoona kula dardaarmay inay halkeeda kasii wadaan shaqada
ay dadka iyo dalkaba u hayaan, isla markaana ay Dawladdiisu ku dadaalayso sidii loo tayayn lahaa dhamaan ciidanka Puntland oo dhan.
Madaxweynaha Dawladda Puntlan Dr. Cavdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa dalacsiiayay taliyaha saldhiga Miyir ee magaalada Galkacayo, maadaama
uu noqday saldhiga ugu tayada wanaagsan ee ku yaalla magaaladaasi wuxuuna ku amaanay sida wanaagsan ee saldhigiisu u shaqaynayo.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas waxa uu xariga ka jaray wado laami ah oo gaaraysa 700m taasi oo
laga hir galiyay bartamaha magaalada Galkacayo.
no images were found
—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyda Puntland