Madaxweynaha Puntland Cabdiwel Gaas oo booqday xarumo Maamulka magaalada Gaalkacyo (Masawiro)

April 11, 2014 - Written by Editor

IMG_8220Gaalkacyo:-Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golayaasha Dawladda waxay sidoo kale kormeereen meelo badan oo xarumaha Dawladda ah,kuwaasi oo kala ahaa xabsiga -weyn ee Galkacyo, saldhiga qaybta,saldhiga bartamaha, saldhiga miyir , xerada tangiyada ee siinaay iyo
meelo kale oo muhiim ah.

Wuxuuna warbixino ka dhagaystay masuuliyiinta xarumaha Dawladda ee uu Madaxweynuhu booqday iyagoo usoo gudbiyay xogo kala duwan oo ku
saabsanaa qaabka ay u shaqeeyaan iyo baahiyaha ka taagan xarumaha Dawladda ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay ciidankii uu ugu tagay xarumaha Dawladda , isagoona kula dardaarmay inay halkeeda kasii wadaan shaqada
ay dadka iyo dalkaba u hayaan, isla markaana ay Dawladdiisu ku dadaalayso sidii loo tayayn lahaa dhamaan ciidanka Puntland oo dhan.

Madaxweynaha Dawladda Puntlan Dr. Cavdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa dalacsiiayay taliyaha saldhiga Miyir ee magaalada Galkacayo, maadaama
uu noqday saldhiga ugu tayada wanaagsan ee ku yaalla magaaladaasi wuxuuna ku amaanay sida wanaagsan ee saldhigiisu u shaqaynayo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas waxa uu xariga ka jaray wado laami ah oo gaaraysa 700m taasi oo
laga hir galiyay bartamaha magaalada Galkacayo.

no images were found

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyda Puntland

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online