Madaxweynaha Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo gaaray degmada Goldogob

April 13, 2014 - Written by Editor

Rw-GaasGoldogob :-Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka gaaray degmada Goldogob ee gobalka Mudug, iyagoo ka tegay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo dhowr maalmood uu ku sugnaa.Wafdiga uu hogaami nayo Madaxweynaha Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo maamulka Gobolka Mudug.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa inta uu ku sugan yahay degmada Goldogob waxaa uu kulamo la qaadan doonaa odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada Goldogob isagoo ka dhagaysan doono warbixino iyo xaalada guud ee degmada
Goldogob.

Safarka Madaxweynaha Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu noqonayaa safarii ugu horeeyey oo madaxweyne ka tirsan Puntland uu ku gaaro degmada Goldogob ee gobalka Mudug taas oo noqonaysan talaabo horay ay u qaadeen dowladda Puntland ee uu madaxweynaha uu ka yahay Dr.Gaas.

Safarka Madaxweynaha Puntland uu ku tegay degmada Goldogob dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa faahfaahinta insha Allaahu.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online