Madaxweynaha Puntland Dr. Gaas oo lagu soo dhoweeyey Degmooyinka Udhexeeya Garoowe Iyo Burtinle.[Masawirro]

April 6, 2014 - Written by Editor

IMG_6082Burtinle:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ku jiraan golayaasha Dawladda iyo sarakiisha ciidanka Puntland ayaa maanta ka anba baxay caasimadda Puntland ee Garoowe iyagoo kusii jeeda deegaano fara badan oo ka tirsan gobolada Nugaal iyo Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si weyn loogu so dhoweeyey degmooyinka kala-bayr, birta-dheer,xaadh-xaadh, tuulo Jalam iyo burtinle, waxaana dhamaan dadweynaha degmooyinkaasi ay taagnaayeen hareeraha wadooyinka iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin soo dhowaada, soo dhowoow Madaxweyne.

Madaxweynaha ayaa ku hakaday deegaanka tuulo-Jalam, isagoo xog waraysi la yeeshay odayaasha,maamulka deegaanka iyo qaybaha kale ee bulshada deegankaasi , waxayna madaxweynaha uga warameen baahida deegaanka iyo xaaladda guud sida ay tahay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli oo la hadlay dadweynaha deegaanka Jalam ayaa uga mahad celiyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdiga la socda, wuxuu sidoo kale u sheegay in Dawladda uu hogaminayo ay dabooli doonto baahiyaha deegaanka ka jira intii ay awoodo.

Madaxweyne Dr.Gaas iyo wafdigii la socday waxaa ay sidoo kale u gudbeen degmada Burtinle oo ka tirsan Gobolka Nugaal halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen dadweynaha deegaankaasi, iyagoo taagnaa hareeraha wadooyin ka magaalada, waxaana madaxweynuhu uu dhex lugeeyey bartamaha magaalada Burtinle isagoo salaamayay dhamaan dadweynihii soo dhoweeyey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa goob fagaare ah kala hadlay dadweynaha Burtinle, wuxuuna uga mahad naqay sida wanaagsan ee ay ugu soo dhoweeyeen deegaanka Burtinle isaga iyo wafdiga la socda, wuxuu kaloo u sheegay in ay wax qabad muuqda ka samayn doonaan horu marinta bulshada, isla markaana aysan waxba hakran doonin.

no images were found

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas waxay ku sugnaan doonaan ilaa maalinta berri ah magaalada Burtinle isagoo kulamo kala duwan la qaadanaya odayaasha deegaanka, masuuliyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Burtinle, ka dibna madaxweynaha iyo wafdigiisu waxay usii gudbi doonaan magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

DHAMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta Iyo
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online