Madaxweynaha Puntland Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Cusub ee Tarminalka Garoonka Diyaaradha Ee Gaalkacayo.(Masawiro)

April 12, 2014 - Written by Editor

IMG_9219Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha cusub ee terminalka garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo.

Munaasabadii dhagax dhiga oo ka qabsoontay bartamaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacayo waxaa madaxweynaha kula sugnaa masuuliyiin sare oo ka tirsan golayaasha dawladda Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Garoomada Amiin Xaaji Khayr aya sheegay in dhismahani uu qayb ka yahay dib u dhiska iyo horu marinta lagu samaynayo Terminalka garoonka diyaradaha ee magaalada Gaalkacayo.

isagoo guul usoo hoyatay shacabka Puntland ku tilmaamay dhismaha cusub ee Terminalka garoonka Gaalkacayo, wuxuuna cadeeyey in dhismihiisa lagu dhamaystiri doono mudo kooban.

Wasiirka Howlah Guud iyo Gaadiidka Cabdi-rashiid Max’ed Xirsi ayaa caddeeyey in dawladda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdi-wli gaas ay qorsha yaasheeda ka mid tahay in la tayeeyo korna loo qaado garoomada Puntland si looga dhabeeyo is beddelka ay Puntland u baahan tahay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Karaash ayaa isaguna horumar lataaban karo ku tilmaamay dhismaha cusub ee Terminalka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacayo , wuxuuna ku adkeeyey masuuluyiinta Wasaarada Duulista inay si dhakhso ah ku dhamaystiraan.

no images were found

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa sheegay in Dawladdiisu ay ka dhabaynayso dib u dhiska Puntland iyo horu markeeda, wuxuuna tilmaamay in garoonka diyaaradaha magaalda Gaalkacayo uu yahay isha labaad ee dhaqaalaha Puntland, isla markaana ay ku faraxsan yihiin dhismaha cusub ee uu maanta dhagax dhigay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in wadada ay diyaraduhu ku ordaan ee isla garoonka Magaalada Gaalkacayo uu lafteedu u baahan tahay dayactir xoog leh, sidaa daraadeed ay usoo jeedsan doonaan waqtiyada soo socda in wax laga qabto.

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online