Madaxweynaha Puntland oo Garowe kula kulmay Safiirka dalka Ingriiska ee Somalia.[Masawiro]

April 2, 2014 - Written by Editor

IMG_5634Garoowe:-Madaxweynaha Dawaladda Puntland Dr. C/weli Maxmed Cali Gaas ayaa galab nimadii maanta aqal kiisaku qaabilay Wafdi uu hogaaminyay safiirka Dawaladda UK ee Somalia Neil WIGHAN. Madaxweynaha Puntland ayaa si diiran Puntland ugu soo dhoweeyey safiirka Dawaladda UK iyo xubnaha kale ee la socday waxayna wada qaateen kulan socday mudo dheer qaatay.

Madaxweynaha Dawaladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo safiirka Dawladda UK ee Somalia Neil WIGHAN ugu horayn waxay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsanayd xiriirka ka dhexeeya labada dhinac iyo sidii loo adkayn lahaa.

Sidoo kale waxaa si gaar ah looga arrinsaday mashaariicda horu marineed ee ay Dawaladda UK ka fuliso Puntland waxaana laysla qaatay in la sii wado mashaariicdaasi. Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka UK Somalia intii kulankoodu socday waxay ka wada hadleen sidii wada shaqayn gaar ah looga yeelan lahaa arrimaha ammaanka iyo in adkeeyo, maadaama amaanku uu yahay udub dhexaadka nolosha.

no images were found

Madaxweynaha Dawaladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo Safiirka Dawaladda UK ee Somalia Neil WIGHAN waxay sidoo kale isla u kuur galeen waxna iska waydiiyeen dagaalada ka socda South Ceteral Somalia iyo saamaynta ay keeni karaan.

-DHAMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online